arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Hooyo Naxariis daran oo Ilmaheeda Si Xad Dhaaf ah U Ciqaabta Muuqaallada Ay Ka Duubtana Soo Dhigta Barta Youtube-ka! (Muuqaal)

Booliska Arisona ayaa qabtay hooyo 7 caruur ah korsaneysay oo lagu soo eedeeyay iney ilmaha gaajeysiiso oo ay garaacdo marka ay ku fashilmaan iney sawiraan muuqaallo ay ku soo bandhigto janal ay ku leedahay Youtube-ka.

Mashiil Hakney (48 jir ah), ayaa Youtubeka waxey ku leedahay janal la yiraahdo “Fantastic adventures“, muuqaallada la soo dhigto waxaa ku xiran 700 oo kun oo qof, waxaana daawata oo uu soo jiitaa 242 milyan oo daawade, iyadoo ay sidaas jirto ayaa hadana habka muuqaalladaas looga duubo caruurta  si xun loola dhaqmaa marka ay duubayaan.

7-dan caruur ah ee aaney hooyadani dhalin, laakiin ay korsatay ayaa sheegay iney shuruudo adag u dejisay xilliga ay cuntada cunayaan, sidaas oo kale marka ay masqusha galayaan, halka qaarkood ay sanduuq ku xirtay xilliyada qaar, marka ay khaladaad sameeyaan xilliga muuqaallada la duubayo.

Hanki waxey ku doodaysaa in ciqaabta ay caruurta ku riddo ay tahay un iney meel gees ah joojiso iyadoo wax kale aan ku sameyn, halka caruurta kan ugu weyn uu ku doodayo iney saacado badan meel xagal ah joojiso iyadoo gacmuhu ay madaxa u saaran yahay, halka ay suun ku garaacda isla markaana xubnaha taranka ay basbaas uga shubta, waa sida ay caruurtani sheegeen.

Caruurtan ayaa dhammaantood waxaa la mariyay baaritaanno caafimaad oo kala duwan, kadib markii Hakni la qabtay, jimcihii 15 Marso, waxey waajahaysaa 7 faldambiyeed oo lagu soo eedeeyay oo ay ku jiraan iney si xun ula dhaqantay caruurta iyo 5 tuhu oo kale oo ay ka mid yihiin xabsi aan sharci ahayn oo ay gurigeeda ka dhex sameysatay iyo caruurta oo ay anshax xumo kula dhaqanta.

Boolisku weli ma aaney shaacin da’da dhabta ah ee caruurtan, laakiin waxaa iska cad iney 10-jirro ka yar yihiin.

Website-ka Youtube ayaa hoosta ka xarriiqay inuu joojiyay janalka hooyadan la tuhunsan yahay, uuna si kama dambeys ah u xariyo haddii la xukumo ama ay dambigeeda qirato, labadaba.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close