arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

India: Macallin Xisaabta Jacaylka u Dhiga Ardayda Sanadka Koowaad ee Dugsiga Sare (Muuqaal)

Macallin xisaabta dhiga oo India ka soo jeeda oo la yiraahdo Tashaaran Sing, ayaa waxa uu ku caan baxay hal-buurkiisa iyo inuu isticmaalo manhaj cajiib ah oo isaga u gaar ah, waxa uu soo alifay isle’egta jacaylka, arrintaas oo keentay in iskuulkii uu ka shaqeynayay laga eryo.

isbuucyadii la soo dhaafay ayaa waxaa baraha bulshada si xoog ah looga daawanayay muuqaal uu ka soo dhex muuqanayo macallin Sing, waa macallin kaaliye ah oo ka tirsan mac’had xukuumadeed oo ku yaalla gobolka Hariyaana dalka India, ardaydiisa sanad dugsiyeedka uu bilowga u yahay waxa uu siiyaa cashar ku saabsan xisaabta, isagoo ka codsanaya iney ka shaqeeyaan isle’egta jacaylka oo ku tiirsan labo mabda’ oo kala ah “Soo jiidasho iyo isku soo dhawaanshiyo.”, halka is le’gtan ay ka qeyb yihiin saaxiibtinimo, soo jiidasho, in aad la iskugu xiiso iyo in romantig la noqdo.

macallinkana ayaa sabuuradda waxa uu ku qoray saddex is le’eg oo kala ah: Isku soo dhawaanshiyo-soo jiidasho= Saaxiibtinimo, isku soo dhawaanshiyo +soo jiidasho= jacayl romantig ah, soo jiidasho-isku soo dhawaanshiyo=murugo iyo walaahow.

Macallin Sing isle’gtan waxa uu ku macneeyay: “In lamaanaha ay labo qof oo saaxiibbo ah ay noqdaan marka ay soo jiidashada lunto, halka dareenka jacaylka uu yimaaddo marka ay lamaanahu aad isku soo jiitaan, marka ay isku soo dhawaanshiyuhu uu lumo waxaa bilaabanaysa dood iyo muran.”, ayuu yiri macallin Sing.

Muuqaalka macallin Sing markii uu si xoog ah ugu faafay Internetka ayaa maamulkii mac’hadka ay goosteen iney macallinka shaqada ka eryaan is ay indha dadka iskuulka uga fogeeyaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close