arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sawir Dhibaato u Horseeday Haweenay Dooneysay Iney Iskaga Qaaddo Goobta Loo yaqaanno “ilmada Sheydaanka” (Muuqaal)

Riyada haweenay dalxiis ahayd oo u dhalatay dalka Shiinaha ayaa ku soo gabagabowday si aaney dooneysay, fasax qurux badan ayey is lahayd ku qaado gobolka Bali ee loo dalxiis tago gudaha dalka Indonesia, waxey dooneysay sawir taariikhi ah iney iska qaaddo goob caan ah oo loo yaqaanno “illinta Sheydaanka.”

Haweenaydan dalxiisa ah ayaa u diyaar garoobaysay iney iska qaaaddo sawir aaney illoobin, muuqaal dabiici ah oo soo jiidasho badan, waxaa ku soo jabay hir ilbiriqsiyo ay ku dhex qarsoontay nafteeduna ay halis ku gashay.

Muuqaalka oo mudadiisu ahayd 6-ilbiriqsi ayaa si xoog ah ugu faafay internetka gudaha Shiinahana aad looga daawaday, waa sida uu sheegay website-ka petapixel.

Haweenaydan oo ku sugneyd jasiiradda Nosa Limbongan (Nusa Lembongan) ee gudaha Indonesia, iyadoo dalxiisayaal farabadan dhex joogta ayaa waxey goosatay iney u dhawaato mowjadaha hirarka khatarta badan.

Muuqaalka ayaa laga arkayaa haweenaydan oo u diyaar garoobaysa iney iska qaaddo sawir, waxey dul istaagtay meel jamal ah , gadaasheeda waxaa ka muuqda badweynta India iyo mowjado hirar ah oo waaweyn, qofkii sawirayay waxa uu u haystay inaan hirku soo gaareyn, laakiin sidii uu filayay si ka duwan ayaa dhacday.

Haweenaydan ayaa muddo ilbiriqsiyo ah ku dhex qarsoontay hirka, laakiin nasiib wanaag dhibaato xoog leh ma aaney soo gaarin oo dhaawac fudud ayaa soo gaaray oo aan sidaa u sii buurneyn.

Goobta loo yaqaanno “ilmada sheydaanka” waxey ku caan tahay mowjado hirar ah oo burburin badan, waana goob inta badan dadka dalxiisayaasha ah soo jiidata.

In jabalka lagu dul istaago baddan inta badan kacsan ayaa ah arrin khatar badan, laakiin sida ay warbixinnadu sheegayaan dadku inta badan ma qaataan digniinaha looga sheego goobtan khatarteeda.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close