arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Nin Iibiyay Gabadhiisa Yar ee Halsanno Jirka Ah Si uu Iskaga Gudo Lacago Farabadan oo Khamaar Looga Helay(Muuqaal)

Ciidanka Shiinaha ayaa waxey qabteen nin ka soo jeeda koonfur-galbeed waddankaas oo loo haysto inuu gabadhiisa yar ku iibiyay 8,900 oo dolar, si uu lacagahaa ugu bixiyo deyn qamaar looga yeeshay.

Ninkan oo la yiraahdo Jiang, ayaa gabadhan yar ka iibiyay lamaane is-qaba, kadib markii lagu yeeshay lacago ka badan 60-kun oo Yuan (lacag u dhiganta Sideed kun, sagaal boqol iyo soddon dolar), isagoo dhanka internetka ka dhiganaya lacago khamaar ah, waa sida ay sheegeen warbixinno dalka Shiinaha laga helayo.

Ninkan oo shaqo la’aanta ah kana soo jeeda gobolka Gaytshoo, ayaa gabadhiisa yar u kexeeyay meel guriga ka fog, bishii November ee la soo dhaafay, xaaskiisana waxa uu u sheegay in gabadha yar ay muddo la soo joogi doonto ayeydeed oo ku sugan magaalalada Tushooniyee ee 140-kun oo Kiiloomitir u jirta gurigooda.

Hooyada gabadhan yar dhashay ee Guiyang ayaa shaki galay, kadib markii ay saddex bilood il saari weyday gabadheedii yareyd, waa sida ay qortay;  jariidada “Guiyang Evening News”, mar kasta oo ay gabadheeda weydiiso, ninkeedu waxa u keenaa cudur-daar, si uu dib ugu dhigo in gabadhii yareyd guriga dib loogu soo celiyo.

Maalin ka mid ah maalmaha bishii Febraury, ayaa waxey baarta taleefoonka ninkeeda, waxey ka heshay wadahadal ku duuban oo ay ku wada hadleen ninkeeda iyo qofkii gabadha ka iibsaday, isla maaalintii waxey aadday guriga soddoheed oo u caddeysay in gabadha yar dhowr isbuuc ka hor uu ka kaxeystay.

Islamarkiiba dhacdadii ayey booliska gaarsiiyay, kadib markii ay weyday ninkeeda oo ay dooneysay iney weydiiso halka uu gabadheeda geeyay.

Ninkan ayaa qirtay in deymaha faraha badan ee looga yeeshay khamaarka darteed uu ku khasbanaa inuu tallaabadan qaado, kadib markii uu internetka ku arkay qoysas doonaya iney caruur korsadaan.

Jian waxa uu been u sheegay qoyskii gabadha yar uu ka iibsaday oo ku dhaqan magaalada Tashoshaan, meel 1850 kiiloomitir u jirta gurigiisa, waxa uu u sheegay inaaney u suurtaggal ahayn inuu gabadhan yar koriyo, isla markaana ay xaaskiisa kala tageen, labadiisa waalidna aaney nooleyn.

Booliska ayaa gabadha yar helay Jimcihii la soo dhaafay, waxeyna dib ugu soo celiyeen gurigeeda, halka aabbihii la qabtay oo lagu eedeeyay inuu aadane ka ganacsaday, iyadoo weli baaritaannadiisii ay socdaan.

Waxaa xusid mudan, in caruurta la xado oo laga gacansado ay tahay mushkilad bulsho oo khabar badan oo muddo dheer ka jirta gudaha Shiinaha, dalkaas waxaa sanad walba lagu waayaa caruur ka badan 70 kun, caruurta qaarkood waaa lagu sheqeysaa, kuwa kalena qoysas korsada ayaa laga iibiyaa, waa sida lagu sheegay warbixinno hore oo lagu faafiyay website-ka China Daily.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close