arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Raggu Maxey u Aamusaan Marka ay si Dhab Ah Wax u Jeclaadaan?

Waxaa jira sababo farabadan oo fasiraad ka bixinaya aamusnaanta ninka marka uu wax jeclaado, waxaa dhici karta in gabadha dhenkeeda ay dhubaato culus ku tahay, laakiin ragga iyo dumarku inta badan isku si uma fakaraan, mid kastaa waxa uu leeyahay fakariiska iyo dabeecaddiisa gaar ah oo ay waajib tahay in la fahmo.

Sida uu qoray websiteka ‘ultrasawt’, Gabdhuhu waxey ku dhibaatoodaan aamusnaanta ninka ay doonayaan, waxaa dhici karta inaaney ku baraarugsaneyn sababta aamusnaantiisa ka dambeysa, gabadhu inta badan waxa gudaheeda ku jira wey sheegataa mana aamusto, halka ninku uu aamuso oo badanaa aanuu ka hadlin waxa maskaxdiisa ku jira iyo dareenkiisana oo ay adag tahay inuu si sahlan u soo bandhigto.

Raggu maxey u aamusaan oo dareenkooda ay u qariyaan marka ay wax jeclaadaan?

halkan waxaa muhiim ah iney gabadhu ogaato iney raggu ay yihiin hal-xiraale, laakiin xaqiiqada dhabta ah arrintaasi waa mid iska dabiici ah! ninku inta badan waxa uu sheego ma yaqaanno, haddii uu si dhab ah wax u jeclaado wuu aamusaa, marka horena ma doono inuu dareenkiisa soo bandhigo illaa uu dhanka kale ka hubsado 200% in gabadhu ay dareenkiisa la qaadayso.

Halkan gabadhu waxaa uga furan kaalin ka duwan tiisa oo haddii ay iyaduna aamusto xiriirkaasi waxa uu noqonaya mid aan rajo laga qabin inuu dhismo, lamaanahaasina ay indhaha un iska fiirsan doonaan iyadoo qofina aanuu soo bandhigan dareenkiisa gaarka ah.

Khibrad yarida gabdhaha

Gabdhuhu inta badna waxey jecel yihiin iney si dhakhsiyo ah u ogaadaan dareenka ragga iyo waxa ka dhex guuxaya, arrintaasi waa khibrad yarida haysata, raggu inta badan waxey jecel yihiin iney aamusaan, halka gabadhuna ay jeceshahay iney dibadda soo dhigto waxa qalbigeeda ku jira, laakiin iyadoo dooneysa in tallaabada koowaad ay dhanka ninka ragga ah ka timaaddo.

Waa sax arrintaasi, laakiin waxaa suurtaggal ah inuu kalgaceylkiisa kuu sheegto inuu xooga dib uga yara dhaco maadama uu ka baqayo inaad ku gacan sayrto jawaabtii uu u baahnaana uu kaa heli waayo, arrintaas oo xoogaa shaki ah ku abuuraysa caqligiisa iyo qalbigiisa.

-Ninku gabadha uu ka yara fikir fiican yahay dhanka abuurka xiriirka, waxa uu aad uga fakaraa arrimaha mustaqbalka si ka badan gabadha oo iyadu inta badan jecel in dareenka loo qabo loo sheegto oo waxyaabaha mustaqbalka aaney sidii u sii qiimeyn.

Aamusnaantu maaha luqadda lagu garto dadka sarsare oo qura, waa luqadda raggu ay ka siman yihiin, gabadha waxaa laga rabaa iney ula dhaqanto arrintan si wanaagsan, inta aan jacaylka la isku sheegan iyo kadibba marka la is fahmo iyo weliba sannadaha la wada nool yahay si khilaaf looga fogaado.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close