arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

130-sano Kadib Oo La Ogaaday Qofka uu Ahaa “Dilaagii London” Mudada Dheer Argagaxa Ka Abuuray (Muuqaal)

Ugu Dambeyn waxaa la furay hal-xiraale 130 jirsaday oo ku saabsanaa qofka uu ahaa dilaa Jack ku caan baxay sidoo kalena loo yaqaannay dhiigyacabkii London, kaas oo argagax ku abuuray dadkii daganaa caasimadda Ingiriiska ee London sanadkii 1888, kadib markii uu si xun ugu dilay 5 haween ah gudaha magaalada.

Dilaagan ayaa si lama filaan ah dilkiisa u joojiyay, sannooyin badanna noqday qof laga baqo, waxaa bidhaansaday oo lacag badan ka sameeyay dadka aflaamta iyo telefishinka barnaamijyadiisa sameeya.

Arrintan ayaa khusaysay Aaron Kosminski oo ahaa muhaajir Poland u dhashay, oo xilligaa 23 jir ahaa oo ka shaqeynayay timojare, waa sida lagu shaaciyay daraasad cilmiyeed lagu soo daabacay joornaalka “Journal of Forensic Sciences” ee gudaha Ingiriiska ka soo baxa, Arbacadii Marso 20, 2019, cilmibaaristan waxaa soo diyaariyay labo cilmibaare oo la kala yiraahdo Jari Louhalainen oo ka tirsan jaamacadda Liverpool iyo DavDavid Miller id Millar oo isna ka tirsan jaamacadda leeds, kuwaas oo ku dadaalay sidii ay maaskarada uga tuuri lahaayeen dambiilahaa magaciisu uu caanka noqday laakiin mudada dheer lagu wareersanaa qofka uu ahaa.

Labada cilmibaare ayaa waxey tallaabadooda ka bilaabeen dhar garabsaar ah oo la helay habeenkii September 30, 1888, oo laga dul helay maydka Katharin Idofis oo ahayd qof kii 4-aad ee dhiigyacabkani uu dilo oo booliska Ingiriiska kuwooda loo yaqaanno Scotland Yard oo ahaa qeybta boolis ugu tababarka fiican uguna aqoonta sarreeya ay muddo dheer gacantooda ku jirin.

labadan cilmibaare dharkii waxey ka heleen dhiig iyo Sperm ay ka heleen DNA-da, iyadoo teknoloojiyada casriga ah ay suurtaggalineyso marka DNA gacanta lagu dhigo in dilaaga si fudud lagu helo.

Labadan caalim waxey ku sameeyay baaritaan hidesidahaha dadkii ka farcamay dilaaga oo ay si gaar ah farta ugu fiiqeen booliska Scotland Yard xilligaas, Aarun Kosimeniski, waxa uu ku caan ahaa inuu la dhibaatoonayay cudurka  Megalomania oo loo yaqaanno waalida isla weynida.

DNA Aaron Kosminski markii la barbardhigay tii caruurta ka farcatay waxaa soo baxay iney boolisku tuhunkoodii hore ku sax naayeen, laakiin ay ku khasbanaadeen iney sii daayaan xilligaa maadama aan la hayn caddeeyn oo lagu xukumi karo.

Sanadkii 1888, dhammaadkii bishii August illaa bilowgii 2019 ayaa deegaanka Tashaabil ee gudaha London ay ka dhaceen 5 dambi oo dil ah oo kii dilaa Jack la mid ah, waxaa ku naf waayay 5 dumar ah, halka qofka dilaaga ah uu dambigiisa xilli habeen ah sameynayay.

Aaron Kosmineski waxa uu dhintay sanadkii 1919 isagoo ku jira isbitaal dadka waalan lagu daaweeyo, waxaana waqti laga joogo muddo 30-sano ah markii uu geystay silsilaadda dilkiisii foosha xumeyd, laakiin ninkan waxaa sheekadiisu ku badan tahay dhanka Aflaamta oo wax badan laga jilay isagoo wata magacyo kala duwan oo ay ka mid yihiin; “Jack-gii mucjisada”, “Dhiigya cab Jack”, “Dhiigya cabdkii London”, “Dhiigya cabdkii dumarka”.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close