arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub.. Shaaha Aadka U Kulul oo Laga Qaado Kansarka Hunguriga(Muuqaal)

Khubaro cilmibaaris ka sameeysay ayaa ka digaya shaaha kulul oo labo laaba kordhiya khatarta ah inuu qofka kansarka hunguriga uu qaado.

Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday in biyaha kulu ay burburiyaan afka mintiisa iyo hunguriga, waxaana suurtaggal ah inuu baraarujiyo cudurka oo uu dhiirrigelin u noqdo.

Saynisyahannadan waxey sheegeen in dadka maalintii cabba 3 koob oo shaaha oo kulul oo heerkulkiisu uu ka badan 60% ay ku kororto khatarta ah in cudurka kansarka uu ku dhaco in ka badan 90%.

Heerkulkan ayaa ka yar heerkulkii ay ka digtay WHO, taas oo ku talisay in koobka shaaha ah ama qahwada la cabbayo uu kulkiisu ka yaraado 65 darajo, halka marka la cabbo shaaha heerkulkiisu uu ka sarreeyo 75 darajo ay kordhineyso inuu qofka ku dhaco cudurka kansarka.

Cilmibaarayaashan oo ka tirsan jaamacadda Dahran ee culuumta Sayniska ee ku taalla gudaha Iiraan ayaa sheegay in natiijada daraasadoodan ay ku dabbaqmayaan cabitaannada kulul ee kale oo ay ku jiraan qahwada iyo shukulaatada kulul.

Khubarada daraasaddan diyaarisay caalimka hoggaminayay oo la yiraahdo Farhad Islaami ayaa yiri: “Dad farabadan ayaa ka hela shaaha, qahwada iyo cabitaannada kale ee kulul, iyadoo ay arrintaasi jirto, ayaa hadana in la cabbo shaaha aadka u kulul uu kordhin karaa khatarta inuu qofka ku dhaco kansarka hunguriga , sidaa darteed waxaa lagu talinayaa in la sugo inta uu ka yara qaboobayo inta aadan cabbin ka hor.”

Dr Islaami waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan ku talineynaa in cabitaannada kulul la iska qaboojiyo illaa ay ka gaarayaan heer 60-darajo ka hoosaysa inta aan la cabbin ka hor.”

Arrintaa waxa uu ku sii daray : inta aan og nahay daraasaddan waa tan kaliya ee si ballaaran loo sameeyay oo si mug leh loo qiyaasay heerkulka shaaha la cabbayo oo lagu sameeyay shaqaale tababaran.

Khubaradan ayaa aaminsan in heerkulka uu saameyn ku yeelanayo hunguriga, arrintaas oo keenaysa inuu caabuqo, isla markaan DNA ay dhibaato soo gaarto isla markaana uu soosaaro jirku tamarta maaddooyinka kiimikeed ee kansarka keena, halka uu daciifinayo kulaylku awoodda hunguriga ee ah inuu teed u noqdo sunta dhibaatada ku ah jirka gudihiisa sii galeysa.

Halkan daraasaddu waxey si gaar ah farta ugu fiiqaysa dadka da,aadda lixdan ama todobaatan ku jira iney yihiin kuwa ugu nugul ee la kulma khatarta kansarka hunguriga marka ay cabitaan aad ukul cabbaan.

Kansarka hunguriga astaamaha lagu garto waxaa ka mid ah, in cunta liqistu kugu adkaato, calool majiir joogta ah, oomateedka oo xirta, miisaankiisa jirka  oo hoos u dhaca iyo inuu qofku xanuun ka dareemo dhabarka, laabta iyo caloosha.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close