arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Calamaadaha Lagu Garto Jacaylka Dhabta ah Marka uu Ragga Ku Dhaco (Muuqaal)

Jacaylku waa dareenka ugu wanaagsan uguna sarreeya ee nafta aadanaha ku abuuran, waana dareen qalbigaaga u jiidaya nafta ay jeceshay ee ay kalgacaylka weyn u qabto. yaan inaga mid ah oo aan dareemin jacayl..? yaan inga mid ah oo aan weli baddiisa ka waraabin..? yaan weli calaamadaha jacaylka ku arkin wejiga qofka jacel ee dareenka weyn u qaba?

Waa su’aalo uu ka jawaabi karo qof si dhab ah u yaqaanna jacaylku waxa uu yahay..maadama qisada jacaylka aaney ahayn wax laga sheekeeyo oo qura ee ay tahay dareen lala noolaado, dhadhankiisana uu fahmi karo qofkii uu soo maray amaba uu hadda hayo.

Xilliyada qaar waxaa jira qof si dhab ah noo jecel, laakiin arrintaa aynaan ku baraarugsaneyn, maadama inteenna badani aaney garaneyn caalamadaha lagu garto jacaylka dhabta ah.

Calaamadaha lagu garto jacaylka dhabta ah marka uu ragga ku dhaco

Raggu waxey leeyihiin wadadooda gaarka ah oo ay ku muujiyaan jacaylkooda oo dumarka intooda badani aaney ku baraarugsaneyn, dabeecadda ragga waxaa ka mid ah in waqti badan ay ku qaadato si uu kuugu sheegto jacaylkiisa ama uu ku yiraahdo “Waan ku jeclahay”, laakiin marka uu si toos ah wax kuugu sheegan waayo kama dhigna inaanuu ku jecleyn, culumada Saykolojigu waxey caddeynayaan iney jiraan caalamado goonni ah oo ay raggu lagu garto marka ay jacayl dhab ah qaadaan, waxaa ugu muhiimsan:

-Eegmadiisa joogta ah

Ninku marka uu garaba jeclaado isha kama qaado marar badan ayaa isagoon aan ku baraarugsaneyn uu insha ku xadaa gabadha uu jecel yahay, haddii aad ku aragto inuu marwalba uu isha kugu xadayo waxaad xaqiiqsataa inuu ku jecel yahay, eegmadiisa joogtada ah ama inuu kolba isha kugu xado waa calaamd jacaylkiisa caddeyn u ah, ragga wey ku adag tahay iney ku yiraahdaan waan ku jeclahay, laakiin dhaqankooda ayaa kuu caddeynaya inuu kula dhacsan yahay aadna uu kuu jecel yahay.

-Waxwalba oo adiga ku khuseeyaa wuu uruuriyaa

Marka aad aragto in sawirkaagu u saaran yahay shaashadda computerka ama teleefoonkiisa waa calaamad kale oo caddeyn u ah inuu ku jecel yahay, maxaa yeelay; waxa uu jecel  yahay in marwalba aad hortiisa ka muuqato, arrintaasi waxey ka dhigan tahay in qeyb weyn oo noloshiisa ka mid ah uu adiga ku hibeeyay.

-Aad ayuu ku daneeyaa

Ninku marka uu gabar jeclaado waxa uu doonaa in uu waxwalba ka ogaado gabadha uu caashaqay, dabeecadaheeda, waxa ay jeceshahay, cuntada ay xiisayso, dhammaan waa su’aalo uu u raadiyo jawaabo oo uu gabadha si toos ah ama si dadban u weydiiyo, daneyntaas oo dhani waa jacayl uu qalbiga ugu hayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close