arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daawo.. Jilaa Suuriyaan ah oo Geeriyooday xilli Uu Ku Jiray Jilliin Xalqad Musalsal oo Ay Dhimashada Ka Matalayeen

Jilaagan oo la yiraahdo “Fawaaz Juduuc” ayaa waxaa soo waajahday dhibaato caafimaad oo lama filaan ah, maalinimadii Sabtida, duhurka ka dib, xilli uu gudanayay kaalintiisa musasalka “Daqiiqaddii Aamusnaanta” isagoo ka hadlayay markaa geerida.

Juduuc waxaa loo qaaday isbitaalka markii la arkay in xaaladdii caafimaad ay xun tahay, laakiin waxa uu ku naf baxay saaxiibbadii ay musalsalka isla jilayeen hortooda.

Fanaaniintii ay isku mihnadda ahaayeen aad ayey uga tacsiyeeyeen geeridiisa, waxaana ka mid ahayd fanaanadda “Rana Shumays” oo Alle uga bariday inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, halka fanaanka reer Lubnaan ee “Yuusuf Xadaad” uu bartiisa Facebook ku soo qoray “Daqiiqa aan u aamusno jilaa Fawaaz Juduuc, kaas oo daqiiqaddii aamusnaanta u bedelay ilbiriqsiyo aan kula halgameynno nolosha, waxaana xanuun badan nagu noqday geeridiisa lama filaanka ah ee agteenna uu ku naf baxay.”, waxa uu hadalkiisa sii raaciyay, “Dhammaan waxaan isku daynnay inaan badbaadinno, laakiin wadnihiisa ayaa diiday inuu dib dambe u shaqeeyo, waxaan u rajeynaynaa naxariis.”

Dhanka kale, fanaanadda “Raqad Hashaam” ayaa dhanka barteeda bulshada uga sheekaysay dhacdada iyadoo ay saameyn ku yeelatay ilbiqsiyadii ugu dambeeyasay ee jilaaga noloshiisa.

Waxey carrabka ku adkaysa in naxdintii ay qaadday ay fahmi weyday sida ay wax u socdaan, waxey sheegtay in xilligaa ay ka wada sheekaysaneyeen geerida, inta aanuu dhiman kah waxa uu yiri: “Geerida indhaheyga ayaan ku arkaa.”, marka uu weedhaa ku dhawaaqay dhulka ayuu si xun oo argagax badan ugu dhacay.

Fawaaz Juduuc, waa jilaa u dhashay dalka Suuriya, waxa uu ku dhashay magaalada al-Riqa, waxa uu ka qeybgalay ruwaayado iyo musalsallo badan, oo ay ka mid ahaayeen masraxiyaddi “Al-muhur”, sanadkii 1972 waxa uu jialay ruwaayad kale oo la oran jiray  “Cibraqaadashadii ilbiriqsiga.”, ruwaadii kale ee “Dhibaatadii mushaarka”, sidaas oo kale waxa uu telefeshinka ku lahaa barnaajig gaar ah oo la oran jiray “Malaamix furaatiyah” sanadkii 1981.

Musalsalladii ugu caansanaa ee uu wax ka jiralay waxaa ka mid ahaa “Tal al-Rimaad”, “Khaan al-Xariir 2”, “Abu-Zayd al-Hilaali”, “Ayaam al-Qadab”, “Aakhir al-Fursaan”, “Ikhwat al-Turaab”, iyo musalsalkii “Cantar iyo Ceebla” oo uu ka qeyb ahaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close