arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Duuliye Naftiisa u Halligay Hab Yaab Badan Doonayna Inuu Xaaskiisa oo Muran Kala Dhaxeeyay Inuu Sii Salfado (Muuqaal)

Nin ayaa diyaarad yar ku weeraray naadi habeenkii lagu caweeyo oo raacsan airport madani ah oo ku yaalla gudaha Botswana.

Duuliyahan waxa uu u shaqeynaya shirkadda duulimaadyada Kalahari, waxa uu naftiisa u gooyay waddo aan caadi ahayn, kadib markii ay xaaskiisa is khilaafeen iyagoo goob ku wada caweynaya.

Mas’uul arrintan ka hadlay ayaa sheegay in duuliyahani uu diyaarad nooceedu yahay “King Air 200”, uu ku weeraray dhismaha naadi habeenkii lagu caweeyo, waxa uu qorsheynayay inuu xaaskiisa dilo iyo dadka naadiga iska leh, naftiisana uu gooyo.

Qof dhacdadan goobjoog ka ahaa ayaa sheegay, inta aanuu tallaabadiisan fulin ka hor uu saaxiibkii la soo hadlay oo uu weydiiyay halka uu joogo, iyo dhanka ay xaaskiisu ku sugan tahay, saaxiibkii waa uu fahmay inuu arrin qorsheynayo, dhismihii uu ku sugnaa wuu ka dhaqaaqay daqiiqado ka hor inta aanuu diyaarad ku soo weerarin.

Si kastaba, dhacdadan ayaa waxa ku naf waayay duuliyihiin naftiisa halligay ee qorsheynayay inuu dilo xaaskiisa iyo dad kale oo khilaaf uu kala dhaxeeyay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close