CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Basal Nuskeed oo Aad Kaga Badbaadi Karto Cudurkan Halista Ah (Muuqaal)

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxday ayaa lagu ogaaday inuu qofku cuno maalintii xabbad basal ah jabkeed ay ka yareyn karto khatarta ah inuu ku dhaco kansarka xiidmaha.

Saynisyahannada daraasaddan sameeyay ayaa ogaaday inuu qofku maalintii qaato 44 garaam oo basasha cagaaran ah iyo toonta, ay suurtaggal tahay iney ka yareyso khatarta ah inuu ku dhaco cudurkan dilaaga ah.

Daraasaddan oo ay ka qeybgaleen 1,666 qof oo rag iyo haween ah, kana mid ah dadka cuna 74 garaam oo basal ah maalintii(basal xajmigeedu uu dhex dhexaadka yahay), dadkan waxaa caddaatay in ku yaraatay khatarta ah inuu ku dhaco cudurka kansarka 79%, marka lala barbardhigo kuwa cuna basal intaa ka yar maalintii.

Caalimkii daraasaddan diyaariyay, Dr. Zi Li oo ka tirsan jaamacadda caafimaadka Shiinaha, ayaa yiri: “Xaalku waxa uu u muuqdaa in mar kasta oo aad basasha iyo toonta badsato, ay suurtaggal tahay iney kaa difaacdo kansarka si aad u wanaagsan.”

Cilmibaarayaashu waxey sheegeen in bashada laga helo lakabyo firfircoon oo biology ah oo kansarka kaa difaaci kara, laakiin waxey sheegeen in habka loo kariyo ay yareyn karto faa’iidooyin laga filan karo.

Susan Brown oo ka tirsan sanduuqa caalamiga ah ee cilmibaarisyada kansarka, ayaa tilmaamntay iney lagama maarmaan tahay iney dadku xoogga saaraan nidaamkooda cunnada, marka ay arrintu khusayso iney miisaanka iska dhimaan ama ay kansar ka taxadaraan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close