arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Jasiiradda Ugu Khatarta Badan Aduunka oo Dhwaan Ay Booqdeen Saynisyahanno iyo Weriyeyaal Caan Ah (Muuqaal)

Koox culumo iyo suxufiyiin iskugu jira ayaa ay u suurtaggashay iney booqdaan jariisaradda ugu khatarta badan aduunka ee loo yaqaanno jasiiradda “Abeesooyinka”

Sida ay sheegtay jariidada Daily Mail, haweenayda saxafiyadda ah ee reer Australia la yiraahdo Tara Brown, ayaa ka mid ahayd dad ay u suurtagashay suurtagashay iney markii ugu horreysay ay booqdaan jasiiradda abeesooyinka, jasiiraddaas oo dadka dalxiisayaasha loo diido iney galaan, khatarteeda darteed.

Jariiradda abeesooyinka waxey ku taallaa meel 33 Km u jirta xeebaha Brazil aadna ugu dhow magaalada Sawbowlo, jasiiraddan waxaa ku nool in ka badan 4000 oo mas oo sun leh oo nooca “golden Lancehead” loo yaqaanno ee ku caanka ah suntooda xooggan ee hilibku uu jirka ka daadanayo qofka ay qaniinaan.

Masaskan ayaa waxey ku nool yihiin oo ay cunaan shimbiraha jasiiradda u soo qaraab doonta. Wariye Barawn waxey tiri: “Marwalba waxaan xiiseeyaa inaan khataraha u bareero, markii aan jasiiradda kala sheekaysannay ugaarsada maxalliga ah waxey noo sheegeen inaaney fikrad wanaagsan ahayn inaan jasiiraddaa booqanno.”, waxey nooga warrameen qoysas dhan oo ay abeesooyinku cuneen iyo tuugo jasiiraddan hanti ku qarsaday masaskuna ay dahabkaa waardiye ka yihin.”

Maamulka jasiiradda ayaa waxey u sanad walba ogolaadaan khubaro sare oo daraasad ka sameeyasa oo si gaar ah loosoo xusho, halka qaar ka mid ah ugaarsata ay u suurtagasho iney si dhuumasho ah u galaan jasiiradda oo ay ka soo ugaarsadaan Masas waaweyn oo ay ku sii iibiyaan mid kiiba 30-kun oo dolar.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close