arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ninkii Mucjisada.. Nolosha Ayuu Dib Ugu Soo Laabtay Ka Dib Markii Ay Dhakhaatiirtu Ku Dhawaaqeen Geeridiisa.. Waxaanuu Noqday Qof Ka Waduwan Shaqsigii Uu Markii Hore Ahaa (Muuqaal)

Jariidada Mail online ayaa qortay sheeka nin 38 jir ah oo wadnihiisu istaagay si lama filaan ah, dhaakhtiirtuna ay awoodi kari waayeen iney wax u qabtaa, geeridiisana ay ku dhawaaqeen markii 21 daqiiqo laga waayay wax tusinaya inuu noolyahay ama ay nafi ku jirto, wadinihiisa iyo maskaxdiisuna ay si toos ah ay shaqadii u joojiyeen.

Jariidadan ayaa sheegtay in ninkani oo asal ahaan ka soo jooda Portugal uu daggan yahay dalka Ingiriiska, waxaa lagu magaacaaabaa Joao Araujo, waxaanuu ka shaqeeyaa boostada, si lama filaan ah ayaa indhuhu u taagmeen gacmihiisuna ugu qalaleen isteerinka gaariga, xaaskiisa oo xilligaa la socotay ayaa waxey u dagdagtay caawinaaddiisa, taleefoonkiisa ayey afka u gelisay, si ay uga ilaaliso inuu carrabkiisa liqo, waxeyna u qeylisay deriska si loogu gurmado.

Qof dariskeeda ka mid ah ayaa u wacay shaqaalaha ambalaasta oo markii ay goobta soo gaareen sheegay in wadnahiisu uu istaagay, isla markiina ula cararay dhanka isbitaalka Gloucestershire ee boqortooyada.

Dhakhaatiirtu waxey isku dayeen iney wadnihiisa dib uga shaqeysiiyaan, waxwalba oo ay sameyn kareen ayey isku dayeen, ugu dambeyn waxey ku dhawaaqeen inuu geeriyooday April 18, 2009, dhacdadan ayaa waqtigaa ku beegnayd.

Dhakhaatiirtu waxey geeridiisa gaarsiiyeen xaaskiisa, caruurtiisa iyo labadiisii waalid oo ku sugnaa dalka Burtiqiiska, xilli ay kalkaalisooyinku u sii wadaan dhanka qolka maydka lagu baaro, ayaa waxey arkeen inuu dhaqdhaqaaqayo, baaritaannadii lagu sameeyay waxaa lagu ogaaday in habdhiska dhiigga jirkiisa uu bilaabay inuu dib u shaqeeyo, wadnaha ninkan ayaa lagu tilmaamay mid mucjiso ah oo caadada ka baxsan.

Dhakhaatiirtu dhacdadan waxey ku tilmaamaan wey garan waayeen, gaar ahaan markii bukaankani uu dib ugu laabtay shaqadiisii caadiga ahayad 3 isbuuc kadib, halka dhakhaatiitu ay ka digeen saameynta taban ee in maskaxdu ay howlgab noqoto mudadaas 21 daqiiqo ah oksijiinkuna uu ka maqnaado ay xilli walba khatarteeda yeelan karto.

Ninkan lagu tilmaamay mucjisada, ayaa waxa uu suuxsanaa muddo 3 maalmood ah inta aanuu soo kicin oo aanuu caafimaadin ka hor, arrintaas oo keentay in shaqaalihii isbitaalku ay ku tilmaamaan inuu yahay mid mucjiso ah.

Markii dhacdadan ay 10 sano ka soo wareegtay, ayaa Araujo uu goostay inuu ka hadlo sidii ay wax u dhaceen, waxa uu sheegay uu sheegay inuu muddo dheer u aamusanaa maadaama aanuu dooneyn inuu caan noqdo.

Waxa uu sheegay in dhacdadaa soo martay ay noloshiisa wax badan ka bedeshay oo nolosha uu hadda si wanaagsan u arko, waxwalbana sidii hore si ka duwan ay u yihiin, noloshiinna uu ku faraxsan yahay maalin walbana uu si wanaagsan uga faa’daysto.

Waxa uu sheegay in dhakhaatiirtu ay ku yiraahdeen maskaxdu waa hal-xiraale weyn, isla markaana aaney daahrogin weli sidii ay wax u dhaceen isla markaana ay rumeysan kari waayeen inuu weli nool yahay oo wadnihiisa uu shaqeynayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close