arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Shil Argagax Badan oo Soo Gaaray Koox Madadaalo oo Ku Tababaraneysay Sida Xarkaha Loogu Dul Socdo (Muuqaal)

Muuqaal laga duubay ilbiriqsiyo argagax badan oo koox acrobatska ah oo  sameysa bandhigyada madadaalada ah uu shil soo gaary, xilli ay ku tababaraneyeen xaruntooda, kooxdani waxey ka soo jeeddaa gobolka Florida, waxaa loo yaqaanno kooxda “‘Sarasota”.

Kooxdan ayaa ku tababarneysay iney xarig ku dul socdaan oo ay sameeyaan taallo aadaney ka sameysan, mid ka mid ah laacibiintii ayaa dheellitirankii uu ka lumay, waxaana markaa soo dhacay 5 laacib oo meel aad u dheer ka soo dhacay.

Dhacdadan ayaa ahayd labo sannno ka hor, laakiin warbaahintu waxey muuqaalka heshay dhawaan, kadib markii muuqaalka ay si hoose warbaahinta u siiyeen goobjoogayaal ahaa uu si hoose warbaahinta u siiyay.

Iyadoo ay jirtay in dhacdadani ay ahayd mid khatar badan, ayaa hadana aaney cidina ku dhiman, laakiin dhaawacyadu waxey iskugu jireen kuwo culus iyo kuwo kale oo fudud.

Si kastaba, muuqaalkan ayaa dhanka kale la sheegayaa in boolisku ay faafiyeen, arrin qeyb ka ah xorriyadda macluumaadka oo ay lagama maarmaan tahay in dadku ogaadaan xaqiiqada dhabta ah iyo sida ay wax u dhaceen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close