TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Shirkadda Facebook oo “Khalad Taariikhi” ah Ka Gashay Aasaasaheeda

Khalad yaab badan oo aan laga suuraysan karin shirkad xajmigeedu intaa le’g yahay, qoraallo uu bartiisa soo dhigay aasaasaha Facebook, Mark Zuckerberg, ayaa boggiisa laga tiray, xilliyadii dambe, waxaa ka mid ah qoraallo uu soo qaray waqtiyo taariikhi ah saxaafaddana il wareed u ahaa.

Joornaalka “Business Insider”, ayaa sheegay in xilalalka sarsare ee uu gacanta ku hayo maamulaha shirkadda Facebook sanadadii 2007 iyo 2008, qoraalladii uu xilligaa sameeyay ay meesha ka baxeen oo lagu daray qoraallo kale oo uu barta soo dhigay xilliyo ka dambeeyay.

Afhayeen shirkadda u hadlay oo bayaan soo saaray ayaa ka warramay sida ay wax u dhaceen: “Qoraalladiisii si khalad ah ayaa loo masaxay. khalad farsamo ayeyna ku dhacday.”

Bayaanka uu afhayeenka soo saaray ayaa waxaa intaa lagu daray: “Qaar ka mid ah qoraalladii Mark waa la masaxay, oo sannooyin badna ka hor ahaa iyadoo si khalad ah loo tiray, in dib loosoo celiyo dadaal xooggan ayey u baahan tahay, lamana damaanad qaadi karo in tallaabadaaasi lagu guuleysan karo iyo in kale. ”

Bayaanka waxaa kale oo lagu xusay: “Waxaan isku raacsan nahay iney tahay in shaqsiyaadku ay helaan qoraalladoodii hore iyo wararka shirkadaha iney tahay mid muhiim ah.”

Qoraalladii milkiilaha Facebook laga tiray waxaa ku jira, mid uu soo dhigay sanadkii 2012 oo uu ku dhawaaqay in shirkadda Facebook ay la wareegtay Instagram. qoraalkaasi waxa uu ahaa il ay xigtaan warbaahinta dunida marka ay taariikh ahaan u sheegayaan.

Laakiin, halkan waxa mudan in lagu baararugo in qoraallada laga masaxay Zuckerberg ee sannooyinkii 2006, 2009 ay ahaayeen waqtigii uu barta soo dhigay qoraalladii ugu badnaa, laakiin hadda sidii hore uguma firfiroona sannooyinkan dambe afkiisu wuu gaaban yahay.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close