arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haraanti Ayuu Kaga Badbaadiyey Geeri Ay Qarka u Saarneyd (Muuqaal)

Nin ka mid ah dadka dabdamiska ka howlgal koonfurta Shiiinaha, ayaa ku guuleystay inuu qabto shaqo adag oo gabar kuray ah uu ka badbaadiyo geeri ay qarka u saarneyd, kadib markii ay kortay dariishadda dabaq kuna hanjabtay iney is-dili doonto.

Muuqaal Internetka aad looga daawaday ayaa muujinaya in askarigan dabdamiska ah uu xarig ku soo dagayo meel u dhow dariishadda, inta aanuu u dhawaan gabadhan oo uu ku badbaadyay hal tillaabo oo uu dhankeeda u qaaday.

Ninkan geesiga ah ayaa gabadha haraanti ku dhuftay iyadoo aan iska fileyn, waxaanuu u tuuray gudaha goobtii ay dooneysay iney iska tuurto, isagoo sidaa ku badbaadiyey nolosheeda.

Muuqaalkan ayaa waxaa aad looga daawaday dhanka Internetka, gaar ahaan barta bulshada ee “Twitter-ka”.

Sida ay sheegtay jariidada China Daily, wax fasiraad ah lagama bixin sababta ku kalliftay gabadhan yar iney isku daydo iney nafteeda jarto.

Sida lagu ogaaday tirakoobyada rasmiga ah ee ka soo baxay dowladda Shiinaha is dilka dhalinyarada waxey kaga jiraan kaalmaha ugu sarreeya ee dowaldaha adduunka.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close