arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sariirta Hoosteeda Ayuu Eegay.. Waxa uu Ku Arkay Wax Aan Cidina Suureysan (Muuqaal)

Inta badan caruurtu waxey ka baqaan habeenkii bahallo ay u maleeyaan iney khaanadaha ugu qarsan yihiin ama ay albaabka gadaashiisa ugu jiraan, laakiin marka la weynaado, waxaa la ogaadaa in waxyaabaha yaraantii laga baqi jiray ay dhalanteed ahaayeen.

Laakiin arrinta qabsatay Babubhai spotted oo ka soo jeedda gobolka Gujarat ee dalka India xaaladdiisu sidaa wey ka duwaneyd, waa sida ay sheegtay jariidadad The Daily Star ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Dhex bartamhihii habeen ka mid ah habeennada isbuucii hore ee la soo dhaafay, gaar ahaan kowdii iyo barkii , ayaa Babubhai uu ku soo bararugay qeylada eygiisa ee aan kala go,a lahayn oo hurdadii ka soo toosisay.

Sida ay jariidadu sheegtay, Baabuhay waxa uu is tusay inuu sariirta hoosteeda eego, waxa uu arkay labo indhood oo gudguduudan oo indho bahal u eeg.

Waxaa gadaal ka caddaatay in bahalkaasi uu ahaa yaxaas dhadig ah oo weyn oo dhirirkiisu yahay 2.5 mitir, oo ka soo baxay webi tuulada ka fog 500 mitir oo qura, waxeynuu guriga u soo galay si uu u helo meel daggan oo uu ukuntiisa dhigto.

Baabuhay oo ah nin beeraaley ah waxa uu u cararay dibadda si darisku ugu soo gurmadaan, saacad kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray maamulka keymaha oo ay u suurtagay iney Yaxaaskii shabaq ku ridaan, kadibna ay gaarsiiyaan meel balli ah oo ay ku nool yihiin 150 yaxaas oo kale.

Sida uu sheegay hoggaamiyaha tuulada oo la yiraahdo Dorgish Batil, xilliyada oo kale waa waqtiga uu yaxaasku dhalo, in si taxadar leh loola dhaqmana loo baahan yahay.

Halkan waxaa la tilmaamayaa in gobolkan India laga soo bilaabo 2013 ay ka dhaceen wararro uu Yaxaas ku waxyeelleeyay 60 qof oo goobolka ka tirsanaa.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close