arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

4 Shey oo Ay Dumarku Uga Maseyraan Lamaanahooda (Muuqaal)

Waxaa jira waxyaabo ay gabadhu uga masayrto lamaanaheeda oo aaney ku jirin in gabar kale ay uga shakiso, marka aad si wanaagsan u baarto waxaad dareemaysaa in gabadha maseyrkeedu uu shabbaho tarmoomitirka lagu qiyaaso kulaylka oo marna kor u kaca mar kalena hoos u dhaca, waxeyna ku xiran tahay kolba waxyaabaha uu lamaanahooda ka agdhow ee uu daneynayo.

Hadaba, waxaan maanta si gaar ah idiinku soo xulnay 4 waxyaabood oo gabadhu ay aad uga masayrto lamaanaheeda marka ay ku aragto inuu si xoog ah u daneynayo waxyaabahaa, waxaa ka mid ah:

1- Waxaa jira ragga qaar oo jacel gaarigooda si u dhiganta jacaylka ay lamaantooda u hayaan oo kale, waxaaba jira kuwo gaarigooda siiya muhiimad ka badan tan ay xaaskooda siiyaan, markaa gabadhu aad ayey uga maseyrtaa marka ay aragto inuu si weyn u daryeelayo oo si aad ah u dhowr dhowrayo gaarigiisa.

2- Waxaa jira ragga qaar oo aad u jecel fadhiyada asxaabta ee qosolka iyo xaraabaadka badan, ciyaarta iyo in laga yara baxo nolosha guurka ee caadiga ah. in asxaabta si joogta ah loola socdo oo habeenkii xilli dambe lagu soo ag gaaro, lamaanaha aad ayey uga caraysiisaa.

3- Waxaa jira ragga qaar oo 24 saac jecel marka ay guriga joogaan ama ay fursad yar helaan iney Game ciyaaraan oo waqti badan ay ku bixiyaan, arrintaas oo xoogaa maseyr geliya lamaantaada oo mararka qaar ay ku yar caro burburta.

4- Nooca ugu saameynta badan ee ay dumarku aadka uga caroodaan waa in lamaanahoodu uu mobilekiisa ka dhigto meel ciidan oo ay mamnuuc tahay in loo soo dhawaado, arrintaas oo dumarku ay si adag uga maseyraan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close