arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Jiirka “Ninja-ha” oo Miciyaha Abeeso Ugaarsaneysay Kagaga Badbaaday Taktikooyinka Kung Fu-ga! (Muuqaal)

 

Kaamirooyin habeenkii wax lagu arko oo meel duur cidlo ah lagu diyaariayay ayaa waxey soo qabteen ilbiriqsiyo uu jiir ka baxsanayay miciyaha abeeso dilaa ah isagoo isticmaalaya taktiko difaaca nafta ah oo layaab badan.

Koox cilmibaaryaal ah ayaa waxey soo bandhigeen sida uu jiir yar oo ay u bixiyeen magaca “Jiirkii Ninja-ha” uu u niyad jabiyay abeeso u gaatameysay oo dooneysay iney ugaarsato, isagoo adeegsanaya dhaqdhaqaayo Kung fu ah ee ay Chinese-ku ku caan yihiin, dhaqaaqan ayaa si soo laa laabtay ugu is ticmaalaya abeesooyinka si joogta iyo xilli walba oo uu la kulmo weerar lama filaan ah oo khatar ku ah noloshiisa.

Cilmibaarayaashan ayaa waxaa u suurtagashay iney sawiraan ilbiriqsiga uu jiirku ka baxsaneyo miciyaha abeesada jiljilka la yiraahdo ee dibka ka dhawaaqada , abeesadan ayaa xawaaraha ay wax ku dishaa uu gaarsiisan yahay 100 Millii ilbiriqsigii, wax hal ilbiriqsi ka yar.

Saynisyahannada waxey aad ula yaabeen taktikada uu jiirku naftiisa ku difaacay, waxa uu adeegasaday luguhiisa si naftiisa uga fagooyo khatarta miciyaha abeesada.

Cilmibaaryaal ka tirsan jaamacadda San Diego State University,kuwa jaamacadda California ku taalla Riverside iyo kuwa California-da Davis, ayaa isku kaashaday si ay u daahrogaan waxyaabaha qarsoon ee awoodaha difaaca ah ee uu leeyahay jiirku, iyagoo adeegsadanaya kaamirooyinkii ugu dambeeyay ee xawaarahoodu sarreeyo.

Markii ay meel duur ah ku diyaariyeen kaamirooyinka aragga habeenkii, ayaa waxey soo qabteen kaamirooyinkaasi jiir haraanti iskaga difaacaya abeeso dooneysay iney ugaarsato,  falcelin degdeg ah oo xawaaraheedu uu gaarayo 70 milli ilbiriqsi.

Daraasaddan habka difaaca jiirka uu abeesooyinka uga hortago waxaa lagu faafiyay joornaalka biologyga ee jamciyadda Linia.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close