arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenay Aan Aqoon Waxa uu Xanuunku Yahay.. Dunida oo Dhan Waxey Ku Yihiin Labo Qof oo Qura (Muuqaal)

Xilliga ay Jo Cameron ay wax ku karineyso foornada xilliyada qaar ma aaney dareemi jirin in jirkeedu uu dab saaran yahay ama uu gubanayo, waxey ku baraarugeysay marka ay uriso hilib gubanaya oo ay aragto inuu keeda yahay.

Ma aaney ogeyn iney ka mid tahay labo qof oo dunida oo dhan leh genetic naadir ah oo qofku aanuu xanuunba dareemayn, arrintaas oo ka dhigan inaaney dareemay xaqiiqada waxa uu xanuun yahay, arrintaas oo ka dhigan inaaney wax xanuun ah dareemin, welwelka aaney aqoon, cabsidana aaney fahamsaneyn waxa ay tahay.

Jo, ma aaney ogaan iney leedahay genetic xanuunkaba aan aqoon illaa markii ay gaartay 65 jir, xilligaas oo lagu sameeyay qalliin khatar badan iyadoo aan lagu durin irabo suuxin ah oo lagu doonayo in xanuunka lagaga khafiifinayo, kadib markii ay dhakhaatiirtu arkeen inaaney wax xanuun ah dareemayn.

Jo, xilli ay qalliin ku sameynaysay gacanteeda dhakhaatiirtu waxey uga digeen iney xanuun badan ay dareemi doonto marka uu qalliinku dhammaado, laakiin lama filaanku waxa uu ahaa inaaney wax xanuun ah dareemin xitaa markii ay qalliinka ka baxday kadib.

Dhakhtarkii suuxdinta ee gaar u ahaa oo la yiraahdo Dr Devjit Srivastava, ayaa khubarada cilmiga hiddaha ee kulliyadda London iyo Jaamacadda Oxford u diray hidda sidaheeda si ay u baaraan.

Baaritaan kadib khubaradu waxey ogaadeen iney leedahay genetic xanuunka caadiga ay dadku dareemaan ka ilaalineysa.

Jo, oo ku nool Watabeerag oo ah meel u dhow magaalada Enfarans ee waqooyiga Scotland, ayaa sheegtay in dhakhaatiirtu ay rumeysan kari waayeen markii ay u sheegtay inaaney u baahaneyn wax xanuun baabi’ye ah qalliinka kadib, markii hore waxey moodayeen iney ku kaftameyso.

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Markii ay dhakhaatiirtu arkeen inaaney xanuun dareemayn, waxey dib u baareen taariikhdeedii caafimaad, waxeyna ogaadeen inaan weligeed codsan xanuun baabi’ye, markaa kadib waxaa la ii wareejiyay, ayey tiri, dhakhtar takhasusi ah oo dhanka hidde sidaha ah, markii xaaladeeda la baaray ayaa waxa la ogaaday in Jo anuu caafimaadkeedu u wanaagsaneyn, sida ay dad badani faliyaan ee dadka kale ay la mid tahay. ”

Waxaa xusid mudan, Jo foosha umusha ma aaney dareemi jirin, iyadoo ilbiriqsiyada foosha xasuusan ka sheekaynaysa ayaa waxey tiri: “waxaa la yaab badaneyd inaanan wax xanuun ah dareemin, ilbiriqsiyadaa aad ayaan u jeclaysanayay.”, Jo waxba ma bedeli karto, laakiin waxey aaminsan tahay in uu qofku xanuunsado iney tahay shey muhiim ah, waxeyna tiraahdaa “Waxaa jirta sabab  muhiim ka dhigaysa inuu qofku xanuunsado oo digniin u noqon karta naftiisa noloshiisana uu ku badbaadin karo qofku. ”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close