arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Maxaad Ka Taqaannaa Beertan Ubaxyada Wisteria ee Dalka Japan Loogu Dalxiiska Badan Yahay (Muuqaal)

Ubaxyada Wisteria-da ugu qadiimsan ee dalka Japan laga yaqaanno, waxey ku fadhiyaan dhul badkoodu yahay hiktar barkii oo ah ubaxyo meel ka soo laalaadsan, waana halka udub dhaxaadka u ah beertan cajiibka ah ee leh midabadka pastello ee caanka ah.

Waxey ku taallaa beerta Ashikagaa ee ubaxyada magaalada Tashooshoogii ee dalka Japan,,, waana meel saacad looga socdo dhanka tareenka magaalada Tokyo.

Beertan ayaa waxey ku fadhidaa 23 higtar, waxaana ku yaalla in ka badan 350 Wisteria iyo ubaxyo kale oo kala duwan,,, ubaxyadu waxey u kala duwan yihiin kolba sida uu xilli ubaxeedku yahay, ubaxyada Pinkiga, kan Purple, jaallaha iyo caddaanka,,,

Beertani waxey beeraha kale uga duwan tahay waxaa ku yaalla marinka Wisteria iyo beero biyaha ka hooseeya, laakiin waxa farxadda iyo faanka ah ee beertan ay leedahay ayaa ah bandhigga Wisteria ee mucjisada ah ee beertani ay ku caanka tahay.

Waxaa ku yaalla geedo cimrigeedu gaarayo 140 sano oo laamahoodu ay soo laalaadaan kuna yaalla meel aad loogu faano oo soo jiidasho badan.

Marka habeenkii uu soo rogmado, goobta oo dhani way wada ifaysaa, adigoo ubaxyadan daawan kara xilli kasta.

Ubaxyada Wisteria ee jaallaha ah waxaa la arkaa oo ay soo baxaan marka la gaaro bilowga bisha May, waana ubaxyada kaliya ee noocan ah ee ka baxa dalka Japan oo dhan.

Beertan waa goob soo jiidasho badan sanadka oo dhan, dhir xilliyeedka ka baxdaa waxey abuurtaa dareen joogta ah oo qofku uu dareemayo shay cajiib ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close