arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sida Ay Ku Bilaabatay Beenta April.. Beenihii Ugu Waaweynaa ee La Diiwaangeliyay(Muuqaal)

Ilbaxnimadii hore ee qadiimiga ahayd 1 April waxey ahayd oo loo dabbaaldegi jiray bilowga sanadka,,, laakiin sanadkii 1582, ayaa wadaadka Baba Gariigorigii 13aad uu fasaxa u bedelay January 1.

Farriintii wadaadkaasi dadka oo dhan ma aaney wada gaarin,,, Dadkii aaney gaarin waxey sii watateen xafladihii dabbaaldagga sanadka cusub 1 April, waxaana loogu magac daray “Doqomadii April.”,,, Qeyb ballaaran oo ka tirsan dalka Britain lagama dhaqan gelin Qaanuunka cusub illaa laga gaaro 1752,,, laakiin waxey u dabbaaldagi jiriin beenta April muddo dheer ka hor.

Scotland waxey qaadataa labo maalmood oo beenta la isku sheegi karo,,, haddii aad aragto dad laabta ku wata boor ay ku qoran tahay i ha raanti, dadkii ugu horreyay ee bilaabay ay ahaayeen reer Scotland.

Beenta April waxey sidoo kale xiriir la leedahay marka uu gugu dhasho ee bilowga Guga,,, Xilligaasna Roma-dii hore waxaa laga diyaarinayay xafladaha Hilaariya ee Qosolka badan.

Hindidu waxey qabsdaan xafladaha Holiga,,, Yahuuduna waxey u dabbaaldagaan ciidda Sakhiraadda,,,

Beenihii ugu waaweynaa waxaa sameeyay shirkadaha iyo warbaahinta,,, sanadkii 1940, bayaan ka soo baxay mac’hadka Farankalin oo ah mutxaf cilmi ah oo ku yaalla Fiilaadfiya, ayaa ku dhawaaqay in dunida dhammaadkeedii uu yahay berri,,, beentaasi waxaa lagu xayaysiinayay silsilado muxaadaro ah oo mac’hadka ka baxeysay,, Bayaankan waxaa lagu faafiyay raadiyow maxalli ah.

Sanadkii 1957, BBC waxey faafisay warbixin been ah, dalag baasto aad u farabadan oo ka soo go’ay beeraha baastada ee Switzerland,, Sababta ugu muhiimsan ee dalaggan tirada badan uu u soo go’ay ayaa ah in la waayay suuskii cunayay baastada beerta ka soo go’da.

Sanadkii 1998, Burger King ayaa ku dhawaaqay inuu  soo saaray Burger King habeysan oo loogu talogalay dadka bidixda wax ku cuna,,, oo Si gaar ah loogu diyaariyay 32 milyan oo Mareykan ah oo bidixda wax ku cuna,,,

Barnaamij idaacadeed oo uu tabinayay actorka Orson Welles  ayaa si dareen leh waxa uu uga hadlay in dunida uu ka bilowday dagaal ay duni kale ku soo qaadday iyo in ciidamo ay ka yimaadeen xidigaha oo doonayay iney dhulka la wareegaan,,, arrintaa waxaa argagax ka qaaday oo rumeystay dad badan oo ka mid ah jamaahiirta Radio-ga dhageysta oo u qaatay in suxuunta duusha ay xidigaha ka timid oo ay si dhab ah dhulka duullaan ugu soo qaadeen,,, Laakiin barnaamijkan ayaa la baahiyay maalinta beenta April,,, Wariyahan actorka ah ayaa yiri: “7 kun oo rag ah oo ku hubeysan qoryo caadi ah iyo kuwa darandooriga u dhaca, ayaa jooga aalladda kaliya ee ay wataan dadka duullaanka lagu soo qaaday.”

Maalinta beenta April waxey ahayd October 1938 oo si rasmi ah loogu dhawaaqay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close