arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Cilmibaare Stronomyga Ku Takhasusay oo Ka Warramay Waqtiga Ay Ku Beegan Tahay Dhalashada Bisha Barakeysan ee “Ramadaan”

Cilmibaare cilmiga astronomy-ga ku takhasusay ayaa ka hadlay filashadiisa  maalinta ay ku beegan tahay bilowga bisha barakeysan ee Ramadaan, marka la eego xisaabta Astronomy-ga ee xidigaha dhaqaaqooda lagula socdo, waa sida ay qortay jariidada “Emarat Al Youm” Arbacadan Maanta ah.

Jariidada ayaa soo xigatay cilmibaarahan ku takhasusay culuumta Astronomy-ga iyo Meteorology-ga oo xubin ka ah Midowga Carbeed ee cilmiga Saadaalinta hawada iyo xidigah oo la yiraahdo “Ibraahim al- Jarwaan”, inuu yiri; waxaa la filayaan in Isniinta May 6,  ay tahay maalinta koowaad ee dhalashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Waxa uu caddeeyay in xisaabta aragtida xiddigaha ay tilmaameyso in maalintaasi ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, saacadaha soonkuna ay ka yaraan doonaan kuwii la soomay Afartii sanno ee la soo dhaafay.

Bisha Ramadaan ayaa sugnaashiyaheeda lagu xaqiijiyaa labo arrimood: midka koowaad;  waa in bisha la arko habeenka ay Shacbaan tahay 29, tan labaad ayaa ah in bisha shacbaan soddonkeeda la dhammeysto, waa marka bisha la arki waayo oo daruur ay isku gudubto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close