arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Farxadda Noloshu Waa Doorasho.. Baro oo Faham Qaabka Lagu Helo (Muuqaal)

Farxadda waa doorasho, dadka qaar waxey aaminsan yihiin iney iska timaaddo oo la iska helo iyadoo aan wax dadaal ah lagu bixin ama isku dayo lagu helayo aan loo gelin, arrintaasina sax maaha, waa doorasho inooga baahan inaan dhowr isku day la nimaadno, si aad u noqoto qof faraxsan waxey kaaga baahan tahay inaad ku dhaqanto sababaha faraxadda keena, iyo inaad ku dhaqanto waddooyinka iyo waxyaabaha kaaga dhigaya inaad noqoto qof faraxsan had iyo jeer.

Sida uu sheegay la taliyaha arrimaha qoyska ee ku takhasusay Seykolojiga Dr. Maxamed al-Maqhawi, farxadda waa doorasho ee mid meel cidlo ah laga helo maaha, la taliyahani waxa uu si mug leh u galay waddooyinka loo maro fikirka farxadda oo ay ka mid yihiin:

-Xiriirka aad rabbi la leedahay.

Annagu ka muslimiin ahaan waxaan aaminsan nahay marwalba oo xiriirka aan rabbi la leenahay uu noqdo mid awood badan waxaan dareemnaa xasillooni iyo farxadd marka aan howlaheenna caadiga ah qabsaneyno

-Iskuday inaad caadaysato waxyaabaha aad farxad ku dareemayso, sida in aad akhriska jeceshahay, inaad wax sawirto aad ku faraxdo ama aad ka hesho inaad sports ciyaarto.

-Dareen qofkii nimcadan kugu manneystay oo u mahadceli

Alle SW uga mahadceli nicmooyinka kala duwan ee uu ku siiyay, caafimaad, hantida, caruurta, ehelka, shaqada. Dr Maxamed waxa uu leeyahay mushkiladda dad qaar haysata ee farxadda ka qaaddaa waa iney ku fakaraan waxa ka maqan ee aaney ku baraarugsaneyn nicmooyinka kale ee gacantooda ku jira.

-Xilligaa aad joogto Noloshaada si wanaagsan u qaado

Qaarkeen sidii loo baahnaa ugama faa’daystaan xaaladda ay joogaan, waxey ku fakaraan wixii hore u soo maray iyo waxa mustaqbalka sugaya, dadkaa waxa uu kula talinayaa: Si wanaagsan u noolow xilliga aad joogto iyo xaaladda aad ku sugan tahay, ku raaxeyso faahfaahinteeda iyadoo jirkaaga iyo qalbigaagu uu xaadir yahay.

-Qof kale ha iska dhigin

Arrintan waxaa loola jeedaa dadka kale ha isla barbardhigin, nicmooyinka aad haysato ha illoobin, shaqsiga aad tahay ha iska bedelin, xoogga saar awoodahaaga iyo waxa aad dadka kale dheer tahay, cid kale ha isla barbardhigin, waxaad dareemaysaa rallin ahaanshiyo nafeed iyo faraxad.

-Xiriir wanaagsan dadka kale la yeelo

Xiriir wanaagsan sameyso oo saaxiibbo gaar ah yeelo, dadka kalena taageer. waxyaabaha ugu muhiimsan ee aadanahu uu helo waa inuu wax jeclaado isagana la jeclaado, marka uu xiriir la sameeyo dad uu ku faraxsan yahay agjoogooda iyaguna ku faraxsan, waxa uu dareemaa faraxad iyo xasillooni.

-Guulaha aad gaarto ku faan

Guulaha aad gaarto muhiim maaha iney yihiin kuwo waaweyn; waxwalba fudud oo aad sameyso ama aad dareento waa guul, si walba oo ay u yar tahay, waxaa muhiim ah inaad xilligaa aad joogto ku raaxaysato waqtigaaga oo aad dareento inaad guuleysatay.

  • Indaroofiinka jirkaaga ku jira raadi

Meelaha faraxadda laga helo waxaa ka mid ah hormoonka Indrofinka, meelaha laga helo waxaa ka mid ah in dhaqaaq la sameeyo, sportska la ciyaaro, dhoolla caddeyn la sameeyo; dhoollacaddeyntaadu dad kale farxad ayey gelisaa, waxeyna ku dareemaan sareedo iyo rayn rayn.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close