arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweenay Dhashay Wiil Mucjiso Ah Kadib 56 Cisho Dhimashadeeda! (Muuqaal)

Haweenay sportska heerka caalami ciyaari jirtay oo ku nooleyd qalabka lagu neefsado ee oxygen-ka ayaa waxey dhashay wiil yar oo lagu tilmaamay wiilkii mucjisada, inta aan laga qaadin qalabkii ay ku neefsaneysay.

Catarina Sequeira oo (26) jir ah, waxey ahayd laacibad ciyaarta sports-ka doomaha Kayaking loo yaqaanno, waxaa lagu dhawaaqay iney maskaxiyan u dhimatay December-tii sanadkii hore, kadib markii ay la kulantay dhibaato Asthma crisis ah, iyadoo xilligaas lahayd uur isbuuciisii 19aadna ku jirta, waa sida ay sheegtay jariidada Mirror.

Ilmahan yar ayaa ku dhashay isbuucii Labo iyo Soddonaad

Xaaladdan ayaa ah tii labaad ee ka dhacday dalka Portugal oo hooyo dhimatay oo maskaxdeedu ay howlgab noqotay ay u suurtagashay iney umusho ilmo isbuucii 32aad.

Ilmahan oo lagu magacaabo Salvador oo aabbihii uu u bixiyay wiilkii mucjisada ayaa waxa uu ku dhashay Qalliinka Caesarean ah, khamiistii Marso 28, maalin ka hor xilligii la filayay inuu dhasho, maadama qalabkii ay Catarina ku neefsaneysay ay dhibaato soo gaartay.

Mudadaa 56 maalmood ah hooyadani wey suuxsaneyd, waxey ku nooleyd oo ay ku neefsaneysay qalab oxygen ah, waa arrinta keentay in ilmahan yari uu badbaado.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close