arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ma Rumeysan Kartid Safarka ay Dadku u Galaan si ay Mar Un u Dhadhamiyaan.. Ramen-ka Ugu Macaan Adduunka (Muuqaal)

Halkan waxaa ku yaalla maqaaxi Ramenka lagu iibiyo gudaha jasiiradda Rishiri oo ku taalla cirirfka waqooyi ee dalka Japan,,, Markaad Tokyo ka dhaqaajiso si aad u gaarto waxaad ku safreysaa diyaarad muddo 2 saacadood ah ku la soconeysa, waxey ku geynaysaa Sayoro,,,

Halkaa waxaa kugu sugaya tareen ku geynaya Wakanaay oo ah magaalo ku taalla halka ugu dambeysa ee waqooyiga Japan,,, Kadib waxaad koreysa Markab si aad u gaarto jasiiradda Rishiri,,, Waxaad u dhaqaaqeysaa dhanka galbeed ee jasiiradda, markaad halkaa gaarto, waxaa fiican in waqtigii ku habbooneyd,,, maxaa  yeelay maqaaxida aad u socoto maalintii waxaa laga furaa labo saacadood iyo bar oo qura.

laakiin in safarkaas oo dhan loo galo wey u qalantaa, jasiiraddan waxaa laga helaan cuntada Ramenka ee ugu wanaagsan Japan oo dhan.

Marka ay arrintu khusayso Ramelka gudaha Japan, waxaa jira goobo kooban oo magacyadoodu ay soo jiitaan dad badan oo uga soo safra daafaha kala duwan ee aduunka,,, Maqaaxiyaha magaca leh waxaa ka mid ah Ramen Miraako,,, Dadku waxey soo doontaan Ramenkan oo laga sameeyo haraakow si aad ah loo bisleeyay oo laga sameeyay maraqa dhir laga soo guray badda deegaanka.

Anigu waa Takamasa Esashiika(Takamasa Esashika), Maqaaxidayda waxaa la yiraahdaa Risheeri Ramin Miraakoo(Rishiri ramen Miraku),,, Maqaaxida Ramen ee aan maamulo waxaa la yiraahdaa Ramen Miraku,,, waxey furneyd laga soo bilaabo 2007,,, Aabbahay ayaa furay,,, waxaanuu goosannay in dhadhanka dhirta badda aan ku daro Ramen-ka aan sameynno si ay dadku u dhadhan sadaan macaankiisa,,, waxaa nalooga yimaaddaa daafaha kala duwan ee Japan iyo adduunka kale,,,

Ramen-kan si sahlan laguma diyaariyo,,, in la sameeyo waxey qaadataa saacado farabadan,,,

Sameynta maraqa ayaa ugu muhiimsan,,, waxaan sameynaa labo nooc oo maraq ah: mid dhirta Kamoga laga sameeyo iyo mid kale oo hilib laga sameeyo,,, maraq kaliya in la sameeyo waxey nagu qaadataa 15-saacadood,,, labada maraq ayaa isku darnaa, waxaanan sugnaa waqti,, kadib maraqa waxaan ku darnaa harakow(nooc digirta ka mid ah) oo la shiilay, halkaas oo maraqu uu noqdo mid isku dheellitiran oo leh macaan iyo dhanaan wanaagsan.

Su’aasha is weydiinta leh ayaa ah maxey dadku masaafaad oo dhan u jaraan,,, waxey u maleynaa iney salka ku hayso inaan is ticmaalnno tiro badan oo Kombo Rishri ah, waana sheyga ugu muhiimsan ee maraqeennu uu ka kooban yahay,,, waana sababta Ramenka gaarka noo ah uu u yahay mid aad u macaan,,,

waqtigeenni ayaa la gaaray,, Hal Ramen ii dhiib fadlan,,, Haa Waxaan kuu rajeynaa cunno macaan iney kuu noqoto.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close