arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Qisada Gabar Yar oo Mareykan Ah oo Ay Isku Haystaan 55 Jaamacadood.. Wax Ka Ogow Sababta Ay Heerkaa Ku Gaartay (Muuqaal)

Ardayadda “Jakelia Baker” oo 17 jir ah ayaa waxaa soo codsaday iney ku biirto 55 jaamacood oo u gudbiyay qoraallo ogolaanshiyo ah una diray ergo ku qancisa iney jaamacadooda ku biirto, waxaa ka mid ah jaamacadaha gobollada Pennsylvania iyo Michigan.

Ardayaddan ayaa waxey heshay deeq lacageed oo gaareysa 1.3 milyan oo dolar oo la socota minxo waxbarasho, waa sida ay qoreen warbaahinta Mareykanka.

Ardayaddan ayaa waxaa u suurtagashay iney waxbarashadeeda ku sare marto, waxey heshay buundadeeda ceceliska dugsiga sare 4.1, waxbarashadeedana waxey hareer waddaa howlo badan oo kale oo gudaha iskuulkeeda ka socda iyo kuwo kale oo sports ah, waxey ka qeybgashaa tartamo badan oo ay ka soo hoyso guulo wax ku ool ah.

Jakelia, ayaa sheegtay in nidaaminta waqtiga ay ka baratay hooyadeed oo ciidanka u shaqeysa, waqtigeeda waxey u qeybisaa waxbarashada howlaha guriga iyo Sports-ka, waxeyna awood u yeelatay iney asaageeda ka dheerayso dhanka waxbarashada.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close