arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dhacdadan Marka Aad Daawato Waxaad Is Oraneysaa Naf Laguma Gaari Doono.. Gabar Yar oo Si Mucjiso Ah Uga Badbaadday Geeri Ay Qarka u Saarneyd (Muuqaal)

Gabar yar oo Mareykan ah oo 9-jir ah ayaa si mucjiso ah uga badbaadday geeri ay qarka u saarneyd, kadib markii gaari xawaare sare ku socdaa uu koofanaha ku qaaday iyadoo ku hor ciyaaraysa beer yar oo gurigooda ku hor taalla, ilbiriqsiyo gudahood ayaa gaari xawaare sare ku socdaa uu soo galay oo uu nafteeda dhaafin gaaray, isbitaalka ayaa loola cararay halkaas ayeyna ka heshay gurmadkii caafimaad ee ay u baahneyd.

Booliska gobolka Georgia ayaa raadinayaa darawalkii gabadhan yar dhaawacay ee gaariga uu watay uu gabadhan yar jiiray, goobtii shilka ayuu kaga cararay.

Gabadhan yar ayaa waxey ka dhaawacantay  lafaha madaxa oo dillaac uu ka galay, maadama gaariga jiiray uu xawaare sare ku socday, waa sida ay sheegeen warbaahinta Mareykanka.

Shilkani sida uu u dhacay waxaa duubtay kaamirada ilaalada guriga, iyadoo la rajeynayo in gacanta lagu soo dhigo oo la qabto darawalkaa sida mas’uuliyad darrada ah u dhaqmay, halka gabadhii yareyd oo caafimaadkeedu wanaagsan yahay ay ka soo muuqatay tv-ga iyadoo isbitaalka lagu dabiibayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close