arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waxa Uu Soo Faagay Qabriga Awowgii.. Taageere Si Layaab Badan Ugu Dabbaaldagay Guusha Kooxdiisa (Muuqaal)

Taageerahan Arjantin u dhalay waxa uu ugu dabbaaldagay guusha kooxda uu taageero hab ka ka duwan taageerayaasha kale.

Marso 31-keeda ayaa kooxda Ricing Club ay ku guuleysatay horyaalka dalka Arjantin, waana markeedii saddexaad ee ay horyaalka ku guuleysato laga soo bilaabo 1966.

Taageerayaasha naadiga ee caasimadda “Buenos Aires” ayaa aad ugu dabbaaldagay guusha ay kooxdoodu gaartay.

Laakiin xaaladda  Gabriel Aranda taageeryaasha kale wey ka duwaneyd oo aad ayey uga xamaasad badneyd, xamaasaddii waxey gaarsiisay inuu qabriga awoowgii soo faago, oo uu kala soo baxo qolfoofka madaxa si uu ula dabbaaldaggo, Aranda waxa uu sheegay in awoowgii Valentin Aguilera uu kaaxdiisa aad ugu farxi lahaa, waa haddii uu noolaan lahaa.

Maxaad u wadataa qolfoofka madaxan? ayaa la weydiiyay, waxa uu ku jawaabay : “Waxa uu yaallay barandada guriga qoyskeenna, marwalba oo ay kooxda Ricing ay ciyaarayso waan soo qaataa.”,  oo hadda qolfoofkani ma awoowgaa baa? ayaa sidoo kale la weydiiyay, waxa uu ku jawaabay “Haa oo waxa uu ahaa taageere ka tirsan kooxda Ricing.”, Maxaad aaminsan tahay in awoogaa uu hadda ku fakarayo?  “Koobka aan qaadnay aad ayuu ugu faraxsan yahay uguna faanayaa?, Magacii? Falantiin Agwileera.

Sidaa ayuuna Aranda ku noqday mid aasaaska u dhigay taageeraha daacadda ah ee sida xad dhaafka ah u jecel naadigiisa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close