arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Xaaskiisa Ayuu Garaacay oo uu Timaha Ka Xiiray Kadib Markii Ay Diidday Iney Ka Hor Ciyaarto Saaxiibbadii!(Muuqaal)

Nin arxan daran ayaa si xun u ciqaabay xaaskiisa, wuu garaacay oo dharka ka jeexjeexay isla markaana inta uu timaha ka xiirin ayuu gubay, dhacdadan ayaa soo shaac baxday kadib markii ay haweenaydani iska soo qaadday muuqaal selfie ah iyadoo ooyaysana internetka soo dhigtay si loo caawiyo.

Jariidada “Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa qortay in sheekada haweenaydan “Asmaa Caziiz” oo 22 jir ah, ay sheegay in la garaacay, lana dulleystay, waxaas oo dhanna uu u geystay ninkeeda iyo saaxiibbadii, maadama ay diidday iney u ciyaarto saaxiibbadii.

Ninkan arxanka daran iyo qof u shaqeynayay ayaa hadda waxaa lagu maxkamadeynayaa “Model Towne”, ee magaalada Lahor ee gudaha Pakistan, kadib markii 4 maalmood xabsi lagu hayay si aaney dhibaato kale u geysan.

Haweenaydan oo ah hooyo leh 3 caruur ah, ayaa waxey ka soo muuqatay muuqaal video ah oo ay soo duubtay isbuucii hore, iyadoo ay ka muuqdaan raadkii garaacista wejigeeda, halka sidoo kale ay timaheedu xiirnaayeen, Muuqaalkan ayaa waxey ku codsatay iney dadku taageeraan.

Markii muuqaalkani uu si xoog ah ugu faafay internetka ayaa sheekadii ay sii ballaaratay, waxey gaartay wasaaradda Xuquuda aadanaha ee Pakistan, oo amar ku bixisay in la soo qabto ninkan iyo saaxiibbadii oo la maxkamadeeyo.

Garsoorihii maxkamadda waxa uu dhankiisa amar ku bixiyay in xabsi lagu siiyaho ninka si loo sugo warbixinta caafimaadka ee dhibaatada ay Asmaa sheeganeyso, halka dhinaca ninka laga codsaday inuu caddeeyo sida ay wax u dhaceen iyo waxyaabaha uu naftiisa ku difaacayo.

Asmaa waxey maxkamadda ka hor sheegtay “In uu ninkeedu caadaystay inuu ku khasbo iney saaxiibbadii ka hor ciyaarto, laakiin ay markan diidday.”, waa sida ay sheegtay Daily Mail.

Muuqaalkii ay soo duubtay ayaa waxey ku sheegtay in ninkeeda iyo saaxiibbadii ay dharka ka jarjareen inta aaney ku khasbin iney fariisato, kadib timaheeda ayey ka xiireen weyna gubeen timahii “Wey i qaawiyeen, jeedalna wey igu garaaceen.” ayey tiri, waxeyna farta ku fiiqday inuu ugu hanjabay inuu daldalayo oo uu nafta dhaafin doono.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close