arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Alaabtii Uu Khaaska U Lahaa Madaxweyne “Qaddaafi” oo Dunida Daafaheeda Kala Duwan Lagu Kala Iibsanayo (Muuqaal)

Waxey u muuqataa in qaar ka mid ahaa alaabtii uu gaarka u lahaa madaxweynihii Liibiya ee Macamar al-Qadaafi ay noqdeen alaab naadir ah oo aad u qaali ah oo marwalba oo waqtigu uu sii socdo sicirkoodu uu kor u sii kacayo oo ay sii kordhayaan shaqsiyaadka doonaya iney iibsdaan alaabtii uu astaanta u ahayd madaxweynaha ee lagu yaqaannay.

Muwaadin Liibiya u dhashay ayaa maalin walba waxaa u yimaadda dalab lagu doonayo in looga iibsado teendhadii gaarka ahayd ee Madaxweyne Qaddaafi, taas oo uu horey u sii qaadan jiray marka uu safar ku aadayo dowladaha kale ee adduunka, kadib markii ay u suurtagashay inuu teendhada ka helo sarkaal ciidanka Liibiya ka tirsan.

Milkiilaha teendhanadi ay hadda gacantiisa ku jirto ayaa u sheegay jariidada ” al-Sharq al-Awsad”, lacagtii ugu qaalisaneyd ee loo gaaro iney ahayd 37 kun oo diinaarka Liibiya ah, illaa iyo hadana ma aanuu gaarin go’aankii uu ku iibin lahaa teendhada.

Teendhadan ayaa dood ka dhalisay dowlado badan, kadib markii uu madaxweyne Qaddaafi uu ku adkaystay in booqashooyinkiisa dibadda uu teendhadaa uu dhex seexdo, waana sida dhacday mar uu booqasho ku tagay New York xilli uu ka qeybgalayay golaha guud ee Qaramada Midoobay sanadkii 2009, dhibaatadu waxey ahayd markii uu muddo lagu wareersanaa halka teendhada laga taagi lahaa; sidaas oo kale teendhadani waxey dood badan ka dhalisay Roma oo mar uu madaxweynuhu booqday uu horey u sii qaatay, arrintaas oo ka xanaajisya madaxdii Taliyaaniga.

Xilli sii horreysay ayaa saacad uu lahaa hoggaamiyihii Liibiya Macammar Al-Qaddaafi oo ahayd nooca “Patek Philippe” oo si gaar ah loogu sameeyay madaxweynaha lagu kala iibsaday lacago record ah oo gaaraya 193,750-dolar, xaraash furan oo ka dhacay Dubai oo dad badani ay u tarmeen sidii ay ku iibsan lahaayeen saacadda.

Waxaa xusid mudan, in Qaddaafi uu xukumay Liibiya in ka badan 42 sano, waxa uu Liibiya xukunkeeda la wareegay 1969, waxaanuu madaxweyne ka ahaa illaa laga gaaro 2011, waa xilligii uu dalkaa ka bilowday kacdoonkii shacabka ee xukunka looga tuuray.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close