arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub: 30-daqiiqo oo Maalintii La Qoslo Cimri dherer ayaa Laga Helaa! (Muuqaal) (Muuqaal)

Daraasad uu sameeyay mac’hadka “Riza” ee caafimaadka nafta iyo jirka, ayaa daahrogtay in maalintii oo la qoso 30 daqiiqo ay suurtaggal ka dhigto iney hagaajiso shaqada xubnaha jirka oo sidii hore ka caafimaad wanaagsanaada cimriga qofkuna uu ku kordho.

Sida natiijada daraasadan oo ay dhakhaatiirtu faafiyeen lagu ogaaday,  inuu qofku maalintii qoslo muddo 30-daqiiqo ah saameyn wanaagsan ayey ku yeelataa caafimaadkiisa, tusaale ahaan; qosolku waxa uu hagaajiyaa nooca hurdada nidaamsan, waxa uu kaa ilaaliyaa saameynta daalka, shaqada wadnaha wuu nidaamiyaa iyo weliba tan beerka iyo sambabada.

Dhakhaatiirtan ayaa tilmaama in dhaqaaqa ka dhalanaya qosolka uu dhiirigeliyo wareegga dhiigga iyo dhaqaaqa xubnaha gudaha jirka. dhakhaatiirtu waxey sheegeen inuu qosolku u roon yahay dadka 40 jirka gaaray, cimirigaas waxa uu qosolku xoojiyaa difaaca jirka, waana arrin muhiim ah oo kansarka ka ilaalineysa ayey yiraahdeen dhakhaatiirta.

Cilmibaaryaashu waxey intaa ku sii darayaan in qosolku uu hoos u dhigo dhaqaaqa wadnaha xididada dhiigana ay ku fidaan, waxa uu dhiirigeliyaa “Interferon gamma” markaas ayuu jirku soo saaraa (Intravenous immunoglobulin) oo qeyb ka ah difaaca jirka, sidaas oo kale waxa uu kordhiyaa hormoonnada sareedada, arrimahaas oo dhan waxey u ogolaaneysaa qofka inuu ka taqluuso welwelka iyo walbahaarka.

Natiijada ka dhalaneysa waxyaabaha aan soo sheegnay marka qosolka iyo farxadda qofka ay maalintii badato waxey ka garab siineysaa cimri dherer iyo nolol caafimaad inuu ku naaloodo.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close