arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wiilasha iyo Gabadhaha oo Ku Kala Aragti Duwan Qeexitaanka Erayga “Soo jiidasho” (Muuqaal)

In badan waxaa dhagaheenna ku soo dhaca «Wuu soo jiidasho badan yahay ama wey soo jiidasho badan tahay.», soo jiidashu waxey noqotay eray bixin mugdi badani uu ku jiro, gaar ahaan xilligan aan ku jirto ee warbaahintu ay noqotay mid aad u kala duwan oo middabbo badan, waxey soo bandhigtaa wax qof walbaa uu ka heli karo dookhiisa iyo rabitaankiisa gaarka ah la jaanqaadaya, hadaba su’aasha is weydiinta leh waxey tahay maxay tahay waxyaabaha lagu qiyaaso soo jiidashada, ma jalaqsanaanta muuqaalka unbaa mise arrimmo kale ayey xiriir la leedahay?

Xuseen Siciid waa naqshadeeye dhanka diidkoorka ah, (waa 29 jir), waxa uu u arkaa in soojiidashu ay ku xiran tahay ruuxda qofka, muuqaalka qofka iyo dharka uu xiran yahay wax qiimo ah ma lahan marka uu yahay qof xun: ” Qofka soo jiidasha badan waa kan yaqaanna sida uu goob kasta uga soo dhex muuqan karo, goorta uu hadlayo, marka uu dhoollacaddeynayo, xilliga uu kaftamayo, waqtiga uu arrin si dhab ah uga hadlayo, yaqaanna sida uu u farxad gelin karto qalbiga dad kale ee ku hareeraysan, inta badan waa qof marka uu hadlo laga haybaysto, ka fogaada hadalka qallooca ee aan dhagaha dadka u rooneyn, arrintan kama dhigna inaan meel iskaga tuurno in qofku uu muuqaalkiisa ku dadaalo; laakiin si aan ka badbadis lahayn oo dhex dhexaad ah, gabdhuhu in kastoo ay muuqaalkooda aad ugu dadaalaan waxaa ku yar iney isku dheellitiraan ruuxda iyo jirka oo sida ay jirkooda ugu dadaalaan naftoodana uma wanaajiyaan, markaa wiilsha ayaa dhanka soo jiidasha ku badan ayaa la dhihi karaa marka loo eego qodobaddii aan ka soo sheekeynnay.”, waa ra’yga Xuseen uu soo jiidashada ka qabo.

Dhanka kale, Noof al-Shariif oo ah gabar dharka naqshadeysa oo 26 jir ah ayaa iyadu waxey u aragtaa in gabadhu ay tahay mid marwalba ka soo jiidasho badan wiilasha, waxey tiri: “Si aad qof u tiraahdo wuu soo jiidasho badan yahay waa inuu noqodo qof labiskiisu fiican yahay oo la jaanqaada casriga, waa inuu asaaggii uu noqodo mid ay ku daydaan munaasabad kasta oo uu ka qeybgalo, halkan quruxdu kuma jirto, maadama sida quruxda loo arko lagu kala duwan yahay, sidaas oo kale qofka soo jiidashada badan waa inuu leeyahay shaqsiyad wanaagsan, oo dad kale ay aqbalsan yihiin, laakiin inta badan bulshadeenna qofka soo jiidashadiisa waxey ku qiimeeyaan muuqaalkiisa, gabadhuhuna iyagaa ugu soo jiidasho badan marka ragga loo barbardhigo, halkan warbaahinta casriga ah iyo qalliinnada is quruxinta ay kaalin weyn ka qaateen macnaha qeexidda soo jiidashada ay doonayaan rag iyo dumar meesha ay doonaan ha ku noolaadaane.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close