arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Poland oo Laga Furayo Barkadda Dabaasha Ugu Gunta Dheer Adduunka (Muuqaal)

Haddii aad ka mid tahay dadka dabaasha jecel iyo quusidda biyaha, waa inaad booqato Poland oo sanadkan laga furayo barkadda dabaasha ugu dheer adduunka, barkaddan moolkeeda gunta hoose waxa uu gaaray 45-mitir.

Goobta loo dabbaasha tago ee “Deepspot” waxaa lagu tiriyaa iney tahay goob ku habboon dadka dabbaasha xariifka ku ah ee xirfadlayaasha sare, halkaas oo ay ka helayaan 8-kun oo mitir kuyuubig ah biyaha ah, waana tiro ku soo labo laabmeysa barkad dabbaal oo xajmigeedu yahay 25 mitir heer gaarsiisan 27-jeer.

Barkaddan ayaa sameynteeda loo adeegsaday 1,100 tan oo birta ajaayga ah oo aasaaska lagu adkeeyay, waxaana la tilmaamayaa in “Deepspot” albaabada loo furayo dhawaan oo laga daah furayo magaalada Mashtashanoof ee Poland ku talla, waa meel 30 meyl looga socdo caasimadda dalkaas ee Warso.

Naqshadeeyaasha barkaddan ayaa sheegay iney ku habboon tahay dadka bilowga ah iyo badmaaxyada ugu xariifsan, dadka aan dabbaasha jecleyn waxey u dalxiisi karaan muuqaalkeeda oo aad u soo jiidasho badan, gaar ahaan, iyadoo sidoo kale goobtan laga heli karo qolol shirarka lagu qabsado oo ka sarreeya barkadda.

Marka albaabada loo furo waxa uu jabin doonaan record horey ugu yaallay barkadda dabbaasha “Joy-Y Deep Joy” ee ku yaalla goobta loo dalxiiska tago ee “Montegrotto Terme” ee ku taalla meel u dhow magaalada Padua ee dalka Taliyaaniga.

Sida ay u muuqato barkadda “Deepspot” liiskan muddo dheer ma sii hoggaamin doonto, waxaa qorsheysan in Britain laga hirgeliyo barkad ka gun dheer marka la gaaro 2020, waxaana xusid mudan in barkaddan oo la yiraahdo “Blue Abyss” oo laga dhisayo magaalada Kolishastar iney recordka ka jabin doonto, maadama moolkeedu uu yahay 50-mitir.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close