arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

7 Qof oo Ay Muhiim Tahay Iney Noloshaada Qeyb Ka Noqdaan Si Aad Horumar u Gaarto (Muuqaal)

Dadka ku jecel waa kuwa kor kuu qaada marka ay dareemaan in sharaftaada hoos loo dhigayo, kuguna dhiirigeliya shaqada marka aad u baahan tahay qof horey kuu riixa, waa kuwa ku dhageysta marka aad u baahan tahay nafis, wey kaa qosliyaan marka ay xaaladdu kugu adag tahay.

Hadaba, waxaan idiin soo gudbineynaa 7 qof oo ka mid ah dadka ku jecel oo aad u baahan tahay iney noloshaada ku hareeraysnaadaan.

1- Qofka ku dhiirrigeliya

Dhiirigeliyuhu waa saaxiibka aaminsan inaad tahay qof cajiib ah, waa uu ku aaminsan yahay waana uu kugu dhiirrigeliyaa waxwalba oo aad sameynayso, xitaa marka ay xaaladdu kaa qasan tahay waxa uu jecel yahay inuu horey kuu riixo, marwalba waa garabkaaga, marka aad wareersan tahay waxa uu kugu taageeraa hadalkiisa xikmadda badan ee sida kalgacaylka leh uu kuugu sheego.

2- Qofka horey kuu riixa oo horumarkaaga ka qeybqaata

Qofka horey kuu riixa waa qofka jecel inuu kaa soo saaro waxa ugu wanaagsan ee aad gaari karto, qofkuna horey ayuu kuu riixayaa si dadbadan oo wanaagaaga ayuu jecel yahay, waxa uu wax kaa weydiiyaa yoolkaaga nolosha, hadafkaagu waxa uu yahay, waxa uu had iyo jeer jecel yahay inuu awoodahaaga ku tuso waxaanuu jecel yahay inaad ku dhaqanto halbeegga sare ee aad naftaada u dejisay, waxaanuu kugu rixaa inaad noqoto qof mas’uul ah, marka uu arko inuu gaabis kugu jirana kaama aamuso ee waxbuu kuu sheegaa.

3- Qofka Sirtaada Kuu ilaaliya

Waa qof ku jecel oo doonaya in marwalba uu dhageysto waxa kaa dhex guuxaya, waxey doonaan ha noqdaane, waxaa daruuri ah inaad noloshaada leedahay qof aad ku sir qarsato oo aad agtiisa ku nafisto, qofkaas oo aad og tahay inaanuu marna ku dhibaatayneyn, waa qof aad ku kalsoon tahay oo habeenkii saqbarkii aad la hadli karto oo si wanaagsan kuu dhageysta.

4- Qofka Naftaada firfircooni geliya

Waa qof nolosha iftiinkeeda aad ka daaraneyso, waa qof kugu dhiirrigeliya inaad riyooto oo aad ku dadaasho sidii aad riyadaada aad uga miro dhalin lahayd, waxaanad ka heshaa tamar aad naftaada ku horumariso, waxaanad ka baraneysaa inaadan weligaa is dhiibin.

5- Ku dayasho Mudan

Waa qof horey u soo sameeyay waxaad dooneyso inaad hadda sameyso, waxaad ka baran kartaa waddooyinka guusha iyo kuwa guuldarrada, waxaanuu kaa garab siinayaa inaad ka fogaato khaladaad kasta oo ku curyaamin kara, waa qof ku tusinaya inaad gaari karto waxyaabo badan oo cajiib ah, waxa uu noqon karaa macallinkaaga, waalidkaa ama saaxiib kaa da’weyn.

6- Qofka aad khatarta u wada bareeri kartaan

Qofka saaxiibkaa ah ee jecel inaad khatarta u wada bareertaan ee aad waxwalba ogol inaad si wadajir ah u sameysaan, marka aad maalgashi sameynayso wuu ku garab taagan yahay si kasta oo maalgashigaasi u khatar badan yahay.

7- Saaxiib kan ugu wanaagsan

Waa qofka waxwalba oo noloshaada ku saabsan wax ka og oo faahfaahin walba la socda, xaalad walba garabkaaga taagan, waxa uu jecel yahay inaad horumar gaarto, waana uu kugu dhiirrigeliyaa dhaqaaq walba oo dhanka horumarka aad u qaaddo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close