arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

“Cun oo Lacag Hel”.. Dumar Bishii Lacago Farabadan Ka Sameeya Cunta Ay Cunaan! (Muuqaal)

Dumar badan  oo dhalinyaro ah ayaa ku guuleysatay Iney u bedelaan chalange layaab badan oo dhanka baraha bulshada ka bilowday mihnad shaqo oo lacago fara badan laga helo, waa sida uu sheegay website-ka Mail Online ee dalka Ingiriiska ka soo baxa.

Dumarkan ayaa muuqaal iska duuba iyagoo cunteynaya oo fadhi kaliya ku cunaya cunto tiro badan oo qoys ku filan.

Arrintan ayaa markii ugu horreysay ka bilaabatay dhanka Kuuriyada Koonfureed, dumarka qaar waxaa u suurtagashay iney bishii helaan lacago u dhiganta 10 kun oo dolar.

Fadhiga kaliya ee ay sawiraan oo ay wax ku cunayaan xilliyada qaar waxey qaadataa dhowr saacadood maalintii, kadib waxaa muuqaalka la soo gelinayaa dhanka Youtube-ka oo dad badan soo jiita.

Dumarka Kuuriya oo arrintan bilaabay waxaa soo labeeya kuwa Australia  oo iyaguna ku dayday cuntadan saacadaha la kor fadhiyo ee loo yaqaanno “Mukbang”, cuntada cunisteeda waxaa la socda hadal ay dadka ku madadaaliyaan.

Eray bixinta Mukbang ayaa markii hore ka soo shaac baxday dalka Kuuriyada Koonfureed, waxaana laga soo dhanbalay labada eray ee Muk bang oo loola jeedo cunto cunis si toos ah loo baahinayo.

Dumarka baahinta muuqaallada Mukbang ku caan baxay waxaa ka mid ah gabadha reer Australia ee Tana Ekoot, taas oo 23 jir ah, muuqaalladeedii ugu dambeeyay ee ay Youtube-ka soo dhigto waxa uu ahaa 20-daqiiqo, waxaana daawaday dad kor u dhaafaya shan boqol oo kun oo qof.

Muuqaalkan ayaa waxey ku cuneysaa cunto qoys loogu talogalay oo ay ka soo iibsatay maqaaxida K.F.C, waxey ka koobneyd Burger, hilib digaag, baradho iyo cunnooyin kale oo kala duwan.

Janalka ay gabadhani leedahay waxaa ku xiran 290-kun oo qof, marka ay muuqaalka sawirayso waxey dadka ku madadaalisaa iney ka hadasho nafteeda iyo sida ay cuntada uga hesho, waxeyna tiraahadaa cuntada ayaa waxwalba inoo ah.

iyadoo ay arrintaasi jirto ayaa muuqaalkeedii ugu dambeeyay aaney u suurtagelin iney wada dhammeyso raashinkii miiska u saarnaa, waxeyna dadka u sheegay in intaa wax ka badan aaney caloosheedu qaadi karin, maadama ay tahay qof jab yar.

Markaan eegno sida ay lacagta uga helaan “Mukbang”, lacagu waxey ka soo gashaa xayaysiimaha, tabarucaad ay siiyaan dadka taageerada u ah, iyo shirkado si gaar ah u taageera.

Cunnooyinka ay inta badan dumarkani cunaan waxey u kala duwan tahay kolba sida uu dookhoodu yahay, laakiin inta badan, waxaad ku arkaysaa iyagoo Pizza cunaya ama bargar uu miiska u saaran yahay, hilib dooro, iyo cunnooyink badda, sidaas oo kale cunnoyinka fudfudud.

Bilowgii shaqadan waxey ahayd sanadkii 2014, xilligaas oo ay shaqada ka tagtay Bark Siyoyon, si ay xoogga u saarto shaqada baahinta tooska ah ee dhanka baraha bulshada, iyadoo aad u jecleyd iney raashinka ku cunto gurigeeda gaarka ah.

Si kastaba, khubarada ayaa sheegay in arrintu aaney khusayn in cunto si fudud loo cunayo un ay tahay, laakiin waa baahi kalinimo oo dumarkaa haysata.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close