arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Qaanuunka Duurka Ayuu Khilaafay Maroodi Ayaa Ku Joogsaday Libaaxyo Ayaana Hilibkiisa Kala Goostay(Muuqaal)

Shaqsi lagu tilmaamay inuu yahay ugaarsade xaqdaran ayaa si xun ugu geeriyooday xayndaab seero ah oo xaywaanka lagu ilaaliyo, maroodi ayaa ku istaagay isagoo ku sugan xarun loo dalxiis tago oo ku taalla seerada Karoogar ee Koonfur Afrika, waxaana kala goostay koox libaaxyo ah oo gaajeysnaa.

Sida ay qortay shabakadda BBC qeybta luqadda Ingiriiska ku hadasha, ninkan saaxiibbadii ayaa qoyskiisa u sheegay iney arkayeen in maroodi uu ku istaagay saaxiibkood Talaadadii hore, xilli ay isku dayayayeen iney xaywaanka wiyisha loo yaqaanno ugaarsadaan.

Kooxdii baadigoobka maydkiisa u dhaqaaqday ayaa ay ku adkaatay iney raqdiisa helaan, waxey ku gaareen laftisii madaxa iyo surwaalkii uu watay khamiistii hore.

Maamulaha goobtan loo dalxiiska tago ayaa yiri: “In seeradan si sharci darro ah loo galo iyadoo weliba la lugaynayo waa arrin aad u khatar badan, dhacdadan ayaana arrintaa markhaati u ah. ”

Seeradan Karogar, ayaa waxey la dhibaatooneysaa mushkilado ugaarsi sharci darro ah, gaar ahaan xawaanka halka gees leh ee wiyisha oo si xoog ah loo beegsado, maadama geeskeeda si aad ah looga rabo dowlado badan oo Asian ah ay aad u raadinayaan.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close