arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Kalkaaliso Isku Bedelay 5 kun oo Caruur ah oo Hooyooyin Aan Dhalin Ay Hoosta u Gelisay.. Dambigeeda Ayey Qiratay Kadib Markii Ciqaabteedii Ay Dunida Ugu Soo Degdegtay (Muuqaal)

Kalkaaliso dalka Zambia ku nool oo la yiraahdo Elizabeth Bwalya Mwewa ayaa qiratay dembi weyn oo ay gashay 12 sano ee la soo dhaafay.

Kalkaalisadan ayaa hoosta ka xariiqday iney bedeshay 5 kun oo dhallaan ah oo ay u bedeshay qoyskii dhalay, markii ay dhasheen ay kuwo kale ugu bedeshay waalidkood, iyadoo dambigaa u gashay si ay ugu madadaasho oo qura!.

Kalkaalisan ayaa caddeysay iney ku madadaasho iney u gashay dambigaa, tirada caruurta ah ee ay bedeshay mudadaa 12 sano ah waa 5000 oo caruur ah, mudadii u dhaxeysay 1983 illaa 1995, iyadoo ka shaqeynaysay qeybta dhalmada ee isbitaalka “University Teaching Hospital in Zambia.” UTH.

Kalkaalisadani dambigeeda ayey qiratay, iyadoo rajeynaysa in xoogaa nafis ah ay ka hesho cudurka Kansarka oo ku dhacay, waxey tiri: “Waxaa igu dhacay kansar, waxaanan ogahay inaan dhawaan dhiman doono, waxaan Alle hortii iyo dadka aan caruurta u bedelay ka qiranayaa dambiga aan galay mudadii aan ka shaqeynayay isbitaalka.”

Qoysaskii waxey ka codsatay isbitaalka caruur ku dhalay iney DNA baaraan, si ay u hubiyaan caruurta ay dhaleen cidda ay ka soo jeedaan dhab ahaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close