arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Canug Yar oo 14 Jir Ah oo Shaqeystay Lacago Kor u Dhaafaya 200-kun oo Dolar Isagoo Iskuulkiisa Dhigta Casharna Aanuu Dhaafin!(Muuqaal)

Canug yar oo Mareykan ah ayaa waxaa u suurtagashay inuu uruursado lacago gaaraya 200 oo kun oo dolar oo ka soo gashay video games uu aad u ciyaaro.

Canugan yar oo la yiraahdo Griffin Spikoski, waa 14 jir; gameka caanka ah ee Internet-ka laga ciyaaro ee “Fortnite”, ayuu maalin kasta ku bixiyaa waqti ka badna 18 saacadood, waa sida ay sheegtay jariidada Mirror ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Spikoski, waxa uu duubaa isagoo Gameka ciyaaraya, muuqaalladiisa ayuu soo geliyaa Youtube, halkaas ayuu ka helaa shacbiyad ballaaran, waxaana uu soo jiitay maalgashadayaal lacago ku bixiya muuqaalladiisa.

Kuraygan yar ee ku nool magaalada New York oo barta uu Youtubeka ku leeyahay la yiraahdo “Skeptic”, ayaa waxa Gameka ku qaata waqti u dhaxeeya 8 illaa 18 saacadood maalintii.

Muuqaalladiisa waxa uu ku bixiyaa koorsooyin habka loo ciyaaro Game-ka caanka ah ee “Fortnite”, laakiin aabbihii waxa uu ku khasbaa marka hore inta aanuu Game-ka ciyaarin inuu waajibaadkiisa iskuulka ka shaqeeyo maadama hortabintiisa koowaad ay waxbarashada tahay.

Kuraygan yar ee Spikoski, ayaa aaminsan inuu mustaqbalkiisa lacago u sii shaqeysanayo, sida; lacagaha uu jaamacadda ku dhigan lahaa iyo kuwa kale oo uu guri ku iibsan lahaa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close