arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Cilmiga oo Waqti Dhow Suurtagelinaya In La Fahmo Luqadda ‘Kalluunka’ iyo ‘Shinnida’! (Muuqaal)

Marna laguma fakarin inaan fahmi doonno maalin maalmaha ka mid ah luqadda ay ku hadlaan kalluunka iyo shinnida, laakiin waxey u muuqataa in arrintaa mustaqbalka dhow la xaqiijin doono oo riyadaa lagu xaqiijin doono qalab casri ah oo dhawaan la sameeyay.

Mowduucan ugama hadleynno filim khiyaali cilmi ah ka warramaya ee waa xaqiiqo dhab ah, Saynisyahanno ayaa dhawaan soo saareen qalab “Wireless Ah” oo kalluunka iyo shinnida ku taageeraya iney ku wada xiriiraan oo ay dhexdooda is fahmaan, waa sida ay qortay jariidada “‘Daily Mail” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Qalabkan ayaa loo naqshadeeyay hab robot ah u sameysay qaab saldhig oo kale oo lagu beeray gudaha shumaca shinnidu ay malabka ku sameysato, qalabkan ayaa waxa uu suurtalgelinayaa inuu tarjumo nooc walbaa oo shinnida ama kalluunka ka mid ah luqad ay suurtaggal tahay iney fahmaan oo dhexdooda ay ku wada xiriiraan.

Robotkan gudaha saldhigga shinnida lagu dhex beeray ayaa waxa uu dhaqaajinayaa hawada oo jabaq goonni ah uu ka dhilnayo, halka robotka kalluunka loogu talagay uu midabkiisa kolba bedeli karo, sidaas oo kale; xawaarihiisa iyo dhaqaaqiisa.

Markii robotkaasi uu shaqadiisa qabsaday ha noqodo kii loo diray shinnida ama kalluunka, saynisyahnaadii waxey arkeen in shinnidii ay ka soo baxday goobtii u gaarka ahayd iyagoo xayn xayn u socota, halka kalluunkii uu bilaabay inuu bedelo habkii uu u dabaalanayay, isagoo dhinaca wareegga saacadda cagsigeeda u ah u bedelay dabbaashii.

Francesco Mondada, oo cilmibaaristan qeyb ka ahayd ayaa arrintan ku shabbahday: “Robotkii inuu yahay sidii mid erga ah ama turjumaan shir caalami ah ka qeybgalaya”, iyadoo intaa sii raacisay marka labada dhican waa shinnida iyo kalluunka ay macluumaad is dhaafsadeen robotka iney gaareen go’aan wadajir ah, kalluunkii waxa uu bedelay jihadii uu u dabaanayay, halka shinnudu ay saldhiggeeda ka duushay iyadoo kooxo farabadan u socota.

Saymon Gariniyeeh oo ah caalim cilmiga bilology ku takhasusay oo ka tirsan mac’hadka New Jersey ee teknoloojiyada ayaa yiri: “Tani waa markii koowaad oo ay aadanuhu isticmaalaan teknoloojiyada si ay uula xariiraan labo nooc oo kala duwan (shinni iyo kalluun.)”

Caalimkani waxa uu sheegay in guushan dhanka cilmiga laga gaaray ay leedahay hab loogu dabbaqo dhanka cilmibaarista biology-ga, waxaanuu sheegay in natiijada la gaaray ay suurtaggal tahay iney ku taageerto injineerada robotka sameeya iney fahmaan tilmaamaha biology-ga ah ee qaar ka mid ah xayawaanada, si habkooda nolosha loo hagaajiyo.

Saynisyahannadu waxey intaa ku dareen, waxaa suurtaggal ah in teknoloojiyadani ay xayawaanka ku jihayso iney ka fogaadaan goobaha wasakhda ah ama looga ilaaliyo in dhibaato badan ay soo gaarto oo goobaha khatarta lagu baraarujiyo si ay uga dheeraadaan.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close