arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Majaajileyste Caan ah oo Geeriyooday Isagoo Masraxa Saaran oo Dadka Kaga Qosolsiinayey Geeri uu Ku Kaftamayey (Muuqaal)

Daawadayaal soo xaadiray bandhig faneed ka dhacay dalka Ingiriiska Khamiistii ayaa dhibaato xooggan la kulmay, markii ay lama filaan ku noqotay inuu dhintay jilaagii bandhiggan comedy-ga ahaa oo ku kaftamayay geerida.

Jilaagan comedian-ka ah oo la yiraahdo Ian Cognito ayaa dhintay xilli uu ku guda jiray bandhig uu dad kaga qoslinayay geerida oo uu ku kaftamayay, waxa uu ku gudo jiray bandhigga “stand up comedy”, isagoo saaran tiyaatarka Oxfordshire, waa sida ay qortay jariidada The Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Afhayeen u hadashay adeegga ambalace-ta ee gurmadka degdegga ah ayaa sheegtay in lala soo xiriiray saacaddu marka ay ahayd tobonkii habeennimo, markii ay goobta gaareenna ay arkeen in Cognito uu ahaa mayd kurisigii uu fadhiyay ku naf baxay.

Daawadaasha mid ka mid ah ayaa isku dayay inuu u dhawaado jilaaga, gacanta ayuu ka taabtay, isagoo rajeynayay inuu dhaqaaq ku kadin doono, si ay uga baxo shakiga uu qabay ee ah inuu si dhab ah u dhintay.

Cognito waxa uu kursiga fadhiyay muddo 5 daqiiqo ah isagoon wax dhaqaaq ah sameyn, daawadayaashu bilowgii hore waxey moodayeen iney qeyb ka mid ah bandhigga ay tahay oo uu la kaftamayo, laakiin waxey gadaal ka ogaadeen inuu naf baxay oo wadnuhu uu is taagay.

Jariidada The Independent ayaa tilmaantay inuu jiro jilaag comedian ah oo kale oo dhacdadan mid la mid ah ay qabsatay, waxaa la oran jiray Tommy Cooper, waxa ay naftu ka baxay isagoo ku jira bandhig ay toos dadku u daawanayeen oo shaashadda telefishinka ka socoday sanadkii 1984, daawadayaashu waqtigaa waxey u haysteen inuu dhimashada matalayo oo uu kula kaftamayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close