arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Waddan Dhan Ayuu Khiyaamay Muddo 10-sano Ah.. Waxaase Kashifay Khalad Yaab Badan oo uu Galay (Muuqaal)

Nin Taliyaani ah ayaa waxaa u suurtagashay inuu khiyaamo dadka ku hareeraysan iyo dowladdiisa muddo 10-sano ah oo dhammeystiran oo aaney cidina ka shakin, waxa uu sheegtay inuu curyaan yahay, laakiin booliska ayaa khiyaanadiisa ogaaday oo qabtay kadib markii uu ku dhacay khalad yaab badan.

Ninkan oo la yiraahdo Roberto Golilimi, ayaa fulinta qorshihiisan bilaabay sanadkii 2007, laga soo bilaabo xilligaa waxa uu raadinayay qof ku garabsiiya qorshihiisa si dadka ku hareeraysan uu ugu qanciyo inuu curyaan yahay, isagoo doonayay inuu helo lacagaha macaashka ah ee la siiyo dadka naafada ah ee dhanka xukuumadda ka soo gaara.

Golilimi, waxa uu helay qof qorshihiisa u fuliyay, waxa uu noqday qof guri ka kireystay oo ay ku adkaatay inuu iska bixiyo lacagta kirada guriga, waxa uu kula heshiiyay inuu daynta u cafin doono, laakiin ay tahay iney wada matalaan sidii inuu gaarig ku dhuftay xilli uu wadad gooyanayo, si ay ugu muuqato in neerfayaashiisa qaar ay dhinteen oo ay howlgab noqdeen.

Markii uu tallaabadiisa fuliyay, ayaa waxaa u suurtagashay inuu helo warqad dhakhtar oo si been abuur ah loogu sameeyay oo sheegaysa inuu  baraaleys ku dhacay, irrintaas oo markii dambe u suurtagelisay inuu helo adeegyada dowladda iyo kaalamada ay siiso dadka naafada ah ee baahiyaha gaarka ah qaba.

Arrinta in hoosta laga xariiqo mudan ee shakhada Golilimi, ayaa ah inuu khiyaamay dhakhaatiirta muddo 10-sano ah oo isku dayay iney daweeyaan, xilliyadaa waxaa la marsiiyay fadhiyo daawo oo khasab ah si xaaladdiisa caafimaad loola socdo maadama uu yahay qof naafo ah.

Muddo 10-sano ka badan ayaa uu kor saarnaa kursiga dadka curyaamiinta ah ay ku socdaan marwalba oo uu gurigiisa ka baxayo, cidina ka aaney shakin, deriskiisa, saaxiibbadii dhamaantood wuu khiyaamayay, iyadoo ay jirtay in labadiisa lugood ay u fayoobaayeen.

Laakiin, ugu dambeyn beentiisa ayaa la ogaaday xilli uu ka soo noqonayay fasax dalxiis oo uu ku gaaray dalka Togo, markii dhaqankiisa laga shakiya oo loo fiirsaday ayaa la arkay isagoo lugihiisa ku socda meel magaaladii uu dagganaa ka baxsan, waa khalad uu ku dhacay; iyadoo sidoo kale markii uu garoonka ka duulayay safarkii uu Togo ku gaaray kaamirooyinku ay soo qabteen isagoo lugihiisa ku socda.

Ninkan ayaa boolisku ku qabteen airportka magaalada Floransa, jaranjarada diyaaradda waxa uu uga soo dagay lugihiisa, booliskuna waxey qabteen isagoo taagan, halka kurisigiisii fadhiga loogu sii diyaariyay gaari airportka ku sugayay oo uu ku sii diyaarsaday.

Xeer ilaalinta ayaa ku doodaysa in Giliilimi uu dowladda  uu khiyaamay, si aan sharci ahayn ayaa waxa uu ku helay 155-kun oo dolar oo ah lacagaha macaashka naafada oo si sharci darro ah uu ku qaatay, sidaa oo kalena loo fidiyay daryeel caafimaad oo aan daruuri ahayn oo laga maarmi karay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close