arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Diyaaradda Ugu Weyn Adduunka oo Ballaceedu Yahay Garoon Kubadda Cagta Lagu Ciyaaro oo Markii Ugu Horreysay Duushay (Muuqaal)

Diyaaradda ugu weyn adduunka ayaa sameysay safarkeedii koowaad oo ay ku dul martay saxaraha Havana ee California, Sabtidii, April 13, 2019.

Diyaaradda midabka cad ee (Rok), waxey duushay saacaddu marka ay ahayd 7 subaxnimo ee waqtiga Girinij, waxey duuleysay labo saacadood wax ka badan, kadib waxey ku soo xiratay dekedda Mohafi, halkaas oo ay ku sugayeen boqolaal qof oo u sacbinayay kuna faraxsanaayeen guusha diyaaraddan.

Dhererka masaafada labadeeda gabar u dhaxeeya waxa uu gaaray dhirirka la mid ah garoon kubadda cagta lagu ciyaaro, waxeyna leedahay lix matoor.

Xawaaraha ugu sarreeya ee ay ku duuli kartaa waa 305 kiiloomitir saacaddii, halka sarreynta ugu fog ee ay gaari karto uu yahay 17 kun oo fiit, diyaaraddan waxaa laga sameeyay Carbon composite ah.

Diyaaraddan waxaa loo naqshadeeyay hab gantaallo dusheeda looga tuuri karo oo dayax gacmeedyada hawada sare loo dirayo ee miisaankoodu yahay 230-kun oo kiiloogaraam dusheeda laga tuuri karo, halka ay gaarsiineyso sarreyn dhan 35 kun oo fiit, waxaana la filayaa in diyaaradda dusheeda laga tuuro gantaalka ugu horreeya marka la gaaro 2020 oo hadda diyaar garowgiisa lagu jiro.

Diyaaraddan waxaa soo saartay shirkadda Stratolunch Company, waana shirkadda uu aasaasay Paul Allen oo Bill Gates kala qeybgalay aasaaska shirkadda Microsoft sanadkii 1975, shirkaddan waxa uu ku aasaasay maalgelintiisa gaarka ah sanadkii 2011, laakiin waxa uu dhintay October 2018, oo nasiir baddarro wax yar ayuu ka horreeyay guusha ay gaartay shirkaddiisa ee dunida laga hadal hayo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close