arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Magaalo Mareykanka Ku Taalla oo Lagu Iibinayo 8 milayn oo Dolar (Muuqaal)

Haweenay Mareykan ah ayaa iska iibineysa magaalo yar oo ay leedahay oo ay ku iibineyso 8 milayn oo dolar.

Magaaladan yar ee ay leedahay haweenaydan la yiraahdo Nancy Kedo, waxey ku taallaa lama dagaanka  Nevada, waxeyna ku fadhidaa dhul badkiisu yahay 113 kiiloomitir oo isku weer ah.

Magaalada waxaa ku yaalla airpor laga guuray oo haweenaydan iyo ninkeedu ay xukuumadda Mareykanka ka iibsadeen sanadkii 1965, xilligaas oo ay aad u jeclaayeen diyaaradaha iyo kaxeyntooda, laakiin markii dambe fikirkooda wey bedeleen.

Kedo iyo ninkeeda waxey isku dayeen iney magaalada nooleeyaan, waxey ka qodeen ceelal, waxey ka sameeyeen waddooyin, si ay iskugu bedesho magaalo yar oo wadata magaca “Cal-Nev-Ari”.

Goobtan xilliyadii dambe waxey isku bedeshay goob dalxiis oo ay ku yaallaan hotello waaweyn iyo maqaaxiyo laga cunteeyo, Kedo, hadda waxey dareentay inaaney awood u lahayn in magalaada ay sii maamusho, kadib waxey go’aan satay iney iska iibiso.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close