arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sidey Ku Suurtagashay In Koob Qahwo ah uu Kashifo Hal-xiraaha Dil iyo Kufsi Dhacay 47-sano Ka Hor (Muuqaal)

Booliska Mareykanka ayaa waxaa u suurtagashay iney furaan dil iyo kufsi hal-xiraale ku noqday oo lagu wareersanaa tobonaan sano. sabab aan caqliga galeyn iyo koob uu qahwo ku cabbay oo ka shifay inuu dilka geystay.

Qofkii dembigan geystay oo dilay isla markaana kufsady gabar 20 jir ah sanadkii 1972, waxaa lagu ogaaday teknoloojiyad cusub oo ku soo korortay cilmiga “Genealogy” ee hiddaha aadanaha lagu baaro, waa sida ay sheegtay shabakadda ABC ee dalka Mareykanka.

Dhacdadan ayaa dhacday August 23, 1972, xilli Jody Loomis ay u socotay iney faraskeeda korto, ayaa qof weerar ku soo qaaday  oo madaxa ka toogtay, waa sida uu sheegay sarkaal booliska Sanohomish oo shir jaraa’id qabtay Khamiistii.

Mas’uulkan ayaa sheegay in Lomis la kufsaday maydkeedana laga tagay iyadoo qaawan.

Dembi baarayaashii booliska ee xilligaa uu dembigu dhacayay ayaa waxey heleen DNA qofkii dilaaga ahaa oo ku furirsanaa goobtii uu fal dambiyeedku ka dhacay, xilli sii horreysay ayaa DNA loo gudbiyay data xogo badan ay ku kaydsan yihiin, laakiin cid DNA la halmaal ah waa la waayay.

Faylka dilka Jodey Lomiis waa uu xirnaa mudada 47 sano ah, illaa dib laga furo sanadkii 2018, kadib markii la adeegdasay qalab casri ah oo DNA lagu baaro, qalabkan oo dembiilaha ka soo dhex saaray qaraabadiisa kale ee DNA la helay.

August 29, ayaa dembi baarayaashu ay daba dhigteen Milar oo dilka inuu geystay looga shaki qabay oo jooga Kazino, halkaas ayaa waxey ka heleen koob qahwo ah oo uu cabayay oo uu ku tuuray saladda qashinka, baaritaannadii lagu sameeyay ayaa xaqiijiyay in DNA koobka Qahwada laga helayay ay la mid noqotay tii laga helay goobtii faldambiyeedku ka dhacay ee maydka Lomiis.

Xilliga uu dambiga galayay Milar waxa uu ahaa 33 jir, waxaanuu la noolaa xaaskiisa 3aad oo hadda geeriyootay laba caruur ahna uga tagtay.

Tarines Milar, ayaa la qabtay isagoo gurigiisa jooga Arbacadii, waxa uu ku eedaysan yahay dil nooca darajada koowaad ah, waa sida ku qoran caddeymaha maxkamadda loo gudbiyay, Boolisku waxey sheegeen in Arbacadii ay wareysi la yeesheen, laakiin inuu afkiisa furo oo wax faahfaahin ah uu sheego.

Sida qorshuhu yahay Millar, ayaa waxaa la horkeenayaa maxkamadda markii ugu horreeyay duhurnimada Khamiista soo aaddan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close