arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Raac Talada Billioneir-ka Ugu Taajirsan Shiinaha Si Aad Ugu Guuleysato Nolosha Una Dareento Nimcada Weyn ee Aad Haysato (Muuqaal)

Aasaasaha website-ka caanka ah ee “Alibaba” isla markaana ah ninka ugu taajirsan Shiinaha, ayaa ugu baaqay shaqaalaha dhalinyarada ah iney raacaan talada ah iney haystaan “Nicmco weyn” oo ay nasiibka u heleen.

Jariidada “Mail Herald”, ayaa sheegtay in Jack Ma uu kula dardaarmay shaqaalihiisa dhalinyarada ah iney waqti dheeraad ah shaqeeyaan si ay guulo u gaaraan.

Jariidadu waxey intaa ku dartay in aasaasaha website-ka “Alibaba” uu hoosta ka xariiqay xilli uu la hadlayay shaqaalihiisa fadhi lagaga doodayay isku dheellitirka shaqada iyo nolosha, ayaa waxa uu u sheegay in saacadaha shaqo ee waqtiga dheer ay tahay nimco weyn, marka loo eego shaqaalaha dhalinyarada ah, waxa uu ugu baaqay iney nimcadaa ay haystaan ku mahadnaqaan.

Shaqaalihii uu la hadlayay Jack Ma waxa uu u soo jeediyay su’aal, isagoo ku yiri: “Sideed guul ku gaari kartaan idinkoon wax dadaal ah ku bixin oo saacado badan aan shaqeysan, haddii adigoo dhalinyaro ah aad saacado badan shaqey weydo goorma ayaad shaqeyn doontaa.”

Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay:

“Naftaada ha u aragto inaad aad u nasiib badan tahay shaqada 12 saacadood ee aad maalintii shaqeyso, qeybtaasna waxba kama bedelayo dhanka noloshayda, in saacadahaa tirada badan la shaqeeyo waxaan u arkaa iney tahay Nimco weyn oo aan la heli karin.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close