arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Shimbirta Ugu Khatarta Badan Adduunka oo Nin Ku Dishay Gudaha Mareykanka (Muuqaal)

Nin ku noolaa gobolka Florida ee dalka Mareykanka ayaa dhintay kadib markii uu dilay shimbir lagu tiriyo inuu yahay “Shimbirka ugu khatarta badan adduunka”

Cassowary waa shimbir weyn, waana shimbirka labaad ee ugu culus shimbiraha marka laga reebo goronyada oo ka culus, deegaanka asalka ah ee shimbirkani lagu yaqaanno waa dalka Australia iyo New Guinea.

Booliska ayaa sheegay in milkiilaha shimbirkan Cassowary, uu ku simbiririxday Jimcihii beertiisa, isagoo markaa joogay meel u dhow shimbirikan aadka u cidiyaha dhaadheer, waxa uu kusoo weeraray cidiyo middiyo oo kale ah oo uu ku dhaawacay, isbitaalka ayaa loo qaaday oo halkaas ayuu ku naf baxay, waa sida ay faafisay shabakadda CNN.

Shimbirkan ayaa waxaa uu leeyahay cidiyo middiyo oo kale ah, farta dhexe dhirirkeedu waxey le’eg tahay 10-cm, waxa uu waajihi karaa oo uu iskaga difaaci karaa xayawaan iyo bahal kasta oo soo weerari, isagoo hal mar marka uu ciddiyaha la helo aan naf lagu gaareyn.

Mas’uuliyiinta duurjoogta Mareykanka, ayaa sheegtay in ninkani uu shimbirka xanaaneynayay oo uu isagu iska lahaa, shimbirkan ayaa leh shacbiyad ballaaran oo aad aad u jecel  yihiin dadka dhaqda shimbiraha yaabka badan ee naadirka ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close