arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabdhii Uu Jeclaa Ayuu Guur Uga Soo Bandhigay Iyagoo Wada Jooga Badda Gunteeda Hoose (Muuqaal)

Internetka iyo baraha bulshadu ku wada xiriirto waxaa la isla dhex marayey muuqaalka video ay ka muuqato romantiga wiil dhalinyaro ah oo dalka Australia u dhashay, gabadha uu jeclaa ayuu guur uga dalbaday waddo layaab badan oo dad badan cajabgelisay.

Video-ga laga duubay waxaa ka muuqda sida uu wiilkaa dhalinyarada ah uu u faraxsanaa, waa Josh Thompson oo 24 jir, waxa uu la dabbaalanayay saaxiibtii Demika Gilroy iyo koox bad maaxayaal ah, waxey isla aadeen biyaha hoostooda meel u dhaw jamal aad u qurux badan, gabadhii uu jeclaa ayuu u yeeray waxaanuu tusay warqad ay ku qoran tahay, “Inaad ku guursado diyaar ma u tahay?”, waxa uu u soo saaray faraantigii doonashada caddeynta u ahaa, gabadhii wey aqbashay oo ay xiratay faraantigii, waxeyna muujisay sida ay ugu faraxsan tahay guurka loosoo bandhigay.

Thompson waxa uu sheegay: “Waxana qorsheynayay inaan guurka u soo bandhigo gabadha aan jeclahay sanadka soo aaddan, laakiin waan is dhiirrigeliyay oo waxaan go’aan saday inaan lama filaan uga dhigo, sidaa darteed; waxaan ku qanciyay inaan safarkan dhanka badda ah wada galno, waxeyna ii ahayd safarkii iigu farxadda badnaa nolosheyda.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close