arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Mucjisada Qabiilka Bajau ee Ku Nool Koonfur Asia.. Sidan Ayey Ugu Socdaan Biyaha Hoostooda Muddo 13-daqiiqo Ah (Muuqaal)

Sanadkii 2015, ayaa Milisa Eylaardo oo ahayd ardayad waxbarashada sare dhigata kana tirsan kulliyadda cilmiga Genetics ee jaamacadda Copenhagen, ay wax ka maqashay qabiilka Bagowga, waxey is weydiisay su’aal ah in qarniyaal badan bad maax la noqdo ay keeni karto horumar hab nololeedka dadka.

Mucjisada qabiilka Bajau ee fisolojiga ah aad ayey u cajabgelisay Malisa, oo u aragtay iney yihiin nooc cusub oo la qabsiga dabeecadda ah oo hawada iyo cunnada oo kaliya aan ku koobneyne ee badweyntii iney ku noolaadaanna ay si wanaagsan ula qabsadeen, kooxdan deggan koonfur bari Asia ayaa jirkoodu uu horumar sameeya, waxey noqdeen bad maaxyo aad uga wanaagsan dadyowga kale ee adduunka, waa sida lagu qoray joornaalka cilmiga ah ee Cell khamiistii April 19, 2019.

Bajau oo lagu qiyaaso boqolaal kun oo qof waxey ku nool yihiin iyagoo kooxo kooxo ah dalalka Malisia iyo Filibbiin, waxeyna leeyahay hab nololeed u goonni ah, guryahoodu waxey ka sameystaan doon dusheed, xilliyadii dambe waxey dhisaneyeen guryo tiirar ku taagan oo xeebaha ay ka yegleelayeen.

Caado ahaan shaqsiga caadiga ah biyaha waxa uu ku jiri karaa ilbiriqsiyo oo qura, qaarkood daqiiqado ayey biyaha ku hoos jiri karaan, laakiin kooxda Bajawga, waxaa u suurtaggal ah iney biyaha ku hoos jiraan muddo 13-daqiiqo ah, iyagoo gaari karaa mool dhirirkiisu yahay 70 mitir, marka ay raadsanayaan cuntadooda iyo qalab ay u adeegsadaan dhismaha guryaha, waa sida lagu sheegay warbixin ay daabacday National Geographic.

Rodni Sii Jobilaado oo ku takhasusay culuumta aadanaha kana tirsan jaamacadda Hawai, ayaa waxa uu yaqaannay shaqsiyaad ka tirsan kooxda Bagaw, xilligii uu ku soo barbaarayay jasiiradda Samala ee Filibbiin, waxa uu ka yiri, waa dad iney bariga joogaan ay ku adag tahay.

Jobilaado waxa uu cilmibaaris ku sameeyaan kooxda Bagawga waxa uu yiri: “Aad ayaan ula yaabban nahay awoodda ay u leeyahay iney biyaha ku dhex jiraan, waxey biyaha quusaan oo ay ku jiraan muddo ka badan tan aan karno, waxaa ii suurtagashay inaan arko iyagoo biyaha ku hoos socda, tanin waa mucjiso Physiological ah.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close