WararkaWaxbarashada

Daraasad: Dumarku Iyagaa Ugu Qarin Badan Khiyaanada Guurka Halka Ragga Wejigoodu Uu Fadeexeeyo (Muuqaal)

Daraasad cusub oo dhawaan soo baxday ayaa daahrogtay in dumarka ay u suurtaggal tahay iney si sahlan ku ogaadaan ragga khaa’imiinta ah ee aan daacadda u ahayn oo marka ay wejigooda ay arkaan ay horey ka soo saari karaan, halka raggu ay ku adag tahay iney ogaadaan khiyaanada gabadha kalsoonidiisa wiiqaysa.

Sida lagu sheegay daraasaddan oo ay sameeyeen khubaro ka tirsan jaamacadda Western Australia, waxaa ka qeybgalay 1500 oo rag iyo dumar iskugu jira oo da’doodu u dhaxeyso 18 iyo 75 sano, waxaana lagu ogaaday in ragga iyo dumarka daraasaddan ka qeybgalay ay soo saareen ragga lamaanahooda khiyaamay iyadoo ka qiyaas qaadanaya wejigooda oo si sahlan loo fahmi karo ninka khaa’inka ah.

Dadkii daraasaddan ka qeybgalay ayaa waxaa loosoo bandhigay 189 qof sawiradood oo 101 ka mid ah ay rag ahaayeen, waxaana laga codsaday iney ku kala saaraan hal-beegyo labo ah; 1-darajo ay siiyaan qofka ay is leeyihiin marnaba khaa’in ma noqon karo, halka 10 darajo ay siinayaan qofka ay is leeyihiin waa uu khiyaano badan yahay.

Raggii sawiradooda la adeegsaday ayaa waxey soo bandhigeen tirada inta jeer ee ay khiyaameen lamaanahooda, kadib waxaa lagu eegay qiyaastii ay dadku bixiyeen qirashadooda ka hor.

Dadkii daraasaddan diyaariyay sida ay sheegeen , waxaa lama filaan ku noqotay in awoodda ay ragga iyo dumarka u leeyihiin iney wejiga ka qiyaasaan ragga lamaanahadooda khiyaamaa ay aad u sarreysay, maadama inta badna ragga khaa’imiinta ah wejigooda laga ogaan karo oo ay wejigooda laga qiyaasi karo.

Dhanka kale, ragga iyo dumarba waxaa ku adkaatay iney si sahlan u soo saaraan dumarka guurkooda khiyaama, ka qeybgalayaasha daraasadda waxaa ku adkaatay iney si sahlan wejiyada dumarka ku fahmaan.

Iyadoo arrintaasi ay jirto, ayaa hadana kooxda cilmibaarayaashu ay sheegayaan inaaney suurtaggal ahayn in qofka dareenka koowaad ee laga qaato aan lagu xukumi karin waxa uu dhab ahaan yahay, si markaa aan ugu ridno xukun ku aaddan khiyaanada guurka ama go’aanno kale oo dhanka nolosha ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close